Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax ayaa agab Ciyaareed gudoon siiyay dhalinyarada iyo kooxaha Degmooyinka Maxamud Haybe iyo Maxamed Mooge.
Xildhibaan Cabdi Naasir (Qodax) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa agab ciyaareed ugu deeqay kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Cabdi Naasir Qodax oo xafladii uu ku gudoonsiinaayey dhalinyaraddaas agabkaaas Ciyaareed ka hadlay ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ee fooda inagu soo haysa awgeed uu agabkaas ciyaareed ugu deeqaya mudanuhu dhalinyarada kubadda cagta ee Garoonada Maxamuud Axmed Cali, Guryo-samo iyo Garoonka Saylada ee Magaalada Hargeysa.
Iyadoo Xildhibaan Cabdi Naasir Qodax uu xusey in agabkaas Ciyaareed uu uga gol leeyahay sidii uu u dhiirigalin lahaa dhalinyarada kubadda cagta ee ka dhisan Degmooyinka kala duwan ee Magaalada Hargeysa qaarkood, waxaanu xildhibaanku xusey in dhalinyaraddaas Xirfadooda Ciyaareedka uu horumarin ku sameynaayo,lana garab taagan yahay wixii tabarucaad noocaas oo kale ah.
Xildhibaan Cabdinaasir Qodax waxa uu Dhalinyarada Gobolka Maroodi jeex uu u balan qaadey in dhalinyaraddaas uu la garab taagan yahay wixii tabarucaad ah ee uu u qaban karo.