Waraabe Shan Qof ku Cunay Deegaanka Degmada Caynabo

0
709

Caynaba (Dawan)- Shan qof ayaa dhintay tiro kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii uu weerar ku soo qaaday Waraabe, kaasi oo dadkan ku cunay deegaano hoos yimaada degmada Caynabo ee gobolka Saraar.

Khadar Jaamac Yuusuf oo ah arday wax ka barta iskuulka degmada Qoryaale, ayaa ka mid ah dadka uu Waraabuhu cunay, waxaanu ku weeraray deegaanka Ceeldhaab ee degmada Caynabo, wiilkan yar ayaa qaba dhaawac xoogleh, waxaana loola soo cararay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Bulshaweynta ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Caynabo ayay soo food saartay cabsi, kadib markii uu waraabuhu ku soo qaaday weerar aan kala go’ laheyn.

Aadan Ducaale Xuseen oo ka mid ah ehelada wiilkan yare e uu cunay waraabuhu ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u soo gaadheen waxaanu yidhi “Wiilkan yari waxa uu wax ka bartaa dugsiga boodhinka ah ee Qoryaale, kadibna muddo yar oo kooban oo iskuulku fasax ahaa ayuu reerkii miyiga tagey, goobtan uu Waraabuhu ku cuneyna waa aaga Caynabo, wiilkan yar iyo wiil kale oo ay walaalo yihiin oo meel wada hurday ayuu u soo galay, wuu toosiyay markii uu wajiga marada ka qaadayna afka ayuu ka buuxsaday, wiilkii kan ka yaraa ayaa eryaday markii uu inanka qaatay kadib markii keynta ay islagaleen ayuu dabada ku dhagey. deetana wuu sii daayay, wuu ka tagi waayay deetana dhagax inta uu qaatay ayuu la dagaalamay, waanu qayliyay oo dadkii jaarka ayaa ku soo yaacay oo u yimid.

Hadda dhaawac weyn ayuu qabaa, waana wiil yar oo agoon ah, magaciisana waxaa la yidhaaha Khadar Jaamac Yuusuf, waana ubadka agoonta ah ee dugsiga Qoryaale wax ka barta, dhibta waraabuhuna bar yahanba waa ay fara badneyd. isla habeenkii uu wiilkani cunay ayaa dadkalena uu cunay, wiil yar oo kale oo uu cunay ayaa isaguna jiray illaa habeen hore maanaan seexan oo geeri iyo nolol midna maaha imika”

Hooyo Shamis Yuusuf Rooble oo Iyana ka mid ah ehelada wiilkani ayaa warbaahinta uga warrantay sidii ay wax u dhaceen waxaanay tidhi “Wiilkan yar ayuu Waraabuhu afka afka u galiyay, waanu qaatay, kii kale ayaa dareemay deetana kor ayuu u booday oo wiilkii oo waraabihii sito ayuu eryaday, markii uu dhigi waayay ayuu dabada ku dhagay oo maroojiyay, wuu dhigay sidaasi ayaanan ku soo badbaadiyay.”

“Wiilkan yari markii na loo keenay koomo ayuu ku jiray, maalinkii ciidkii 7:30-kii subaxnimo ayaa la soo dhigay cisbitaalka sida ay runtu tahayna waanu ka sii taxadirnay oo qaybta gurmadka degdega ah ayaa shaqeyneysay. Dhaawac weyn oo sanka iyo wajiga ah ayuu qabay, dhankaasi oo dhan ayuu goostay, sanka, afka, iyo dibintaba waa uu goostay, deetana intii aanu wada goynin ee ay qayb ahaani hadhsan ayaa la keenay, waanu la tacaalney xaaladiisa caafimaad” ayuu yidhi Cabdi Xiis, oo ka mid ah dhakhaatiirta cisitaalka Dr. Xagar oo lagula tacaalayo xaalada caafimaad ee wiilkan yar.

Leave a Reply