Madaxweynaha Somaliland oo Naf Hurnimada Ciidanka Dabdamiska oo ku Abaalmariyey Darajooyin

0
2

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Wareegto Madaxweyne ku soo saaray Darajooyin Ciidan oo markii ugu horraysay la siinayo Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada JSL.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in darajooyinkani yihiin maamuus Qaran, masuuliyad iyo dhiirrigelin, isla markaana ay muujinayaan aqoonsiga uu Qaranka JSL u hayo naf-hurnimada, geesinnimada iyo adeegga muhiimka ah ee Ciidanka Dab-damisku u hayo badbaadinta nafta, maalka iyo hantida muwaadiniinta JSL.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in tallaabadani ay astaan u tahay qaddarinta uu Qaranka JSL u hayo Ciidanka Dab-damiska iyo Bedbaadada Bulshada JSL oo naftooda u hura badbaadinta bulshada.