Xildhibaan Mubaarik Oo Taageeray Baaqa Nabada ee Koda’yar, kuna Baaqay Midnimo iyo Wada-jir

0
13

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Mubaarik Axmed Jaamac Faarax oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa taageeray baaqa nabadeed ee ay soo saareen odayaasha deegaanka Koda’yar, isaga oo ku boorriyey dhallinyarada inay dhegaystaan waxgaradka, bulshadana ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan nabadda, isxaal-dhawrka iyo wada noolaanshaha.

Xildhibaanku waxa uu tacsi u diray ehelada marxuumkii dhawaan lagu dilay deegaanka Koda’yar ee ka soo jeeday Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay dedaallada odayaasha ee lagu ilaalinayo nabadda.

Waxaanu yidhi. “Baaqa nabadeed ee odayaasha deegaanka waanu taageersan nahay, waanu isku og nahay, waanu ku wada soconnaa,”

Waxa uu tilmaamay in cabashooyinka dhallinyarada qaarkood la xidhiidhaan dilkii labada dhallinyaro ah ee magaalada Hargeysa loogu geystay, isaga oo xusay in kiiskoodu maxkamadda horyaallo, isla markaana uu dawladda ugu baaqay inay si degdeg ah u soo gebagebayso, si caddaaladdu u muuqato, cabashooyinkana xal loogu helo dariiq sharci ah.

Waxaanu yidhi. “Labada nin ee la dilayna kiiskoodii maxkamadda ayuu ku jiraa, waxaan dawladda ugu baaqayaa inay si degdeg ah u soo gebagebayso,”

Xildhibaan Mubaarik waxa kale oo uu bogaadiyey tallaabada ay beesha Ciise Muuse ku bixisay magta marxuumka, isaga oo u mahadceliyey ciidamada booliska iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay dhammeystirka arrintaas.

Waxa uu sheegay in dedaallada noocaasi ahi ay door weyn ka qaataan dejinta xaaladaha iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.

Waxaanu yidhi. “Sidii ay beesha Ciise Muuse markiiba magta u bixisay waan ku bogaadinayaa, waxaanan u mahadcelinayaa ciidamada booliska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay dhammeystirka arrintaas,”

Waxa uu sidoo kale xusay in dawladdu aqbashay codsigoodii ahaa in ciidanka laga dulqaado deegaanka, kaddib markii ay ballanqaadeen inay keenayaan dhallinyaradii dhibaatada geysatay, taas oo uu tusaale ugu soo qaatay muhiimadda ay leedahay is-aaminaadda, wada-shaqaynta iyo in dhinacyadu ka soo baxaan ballamaha ay qaadaan.

Geesta kale Xildhibaan Mubaarik waxa uu farriin toos ah u diray dhallinyarada, isaga oo kula dardaarmay inay qaataan talada odayaasha, waxgaradka iyo waayeelka, kana fogaadaan cid kasta oo khilaafka sii hurin karta.

Waxaanu yidhi.“Dhallinyarada waxaan leeyahay odayaasha, waxgaradka iyo waayeelka deegaanka aqbala, nabaddana qaata. Ciddii wax na dhex wada ee faragelinta ku haysa deegaanka waxaan leeyahay naga daaya faragelinta oo ka waantooba. Deegaanku waa nabad,”

Farriinta Xildhibaan Mubaarik waxay xambaarsan tahay baaq ku dhisan nabad, caddaalad, isxaal-dhawr iyo wadajir, iyada oo ku boorrinaysa bulshada in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal, talada dhaqanka iyo sharciga, si loo ilaaliyo nafta dadka, xidhiidhka bulshada iyo xasilloonida deegaanka.