Boorama (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta beeraha ee dalka Ireland ee Irish Farmers Journal ayaa iftiimisay dadaallo ka socda deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu xakamaynayo nabaad-guurka, laguna soo celinayo dhulkii beeraha iyo daaqsinka ee ay waxyeelleeyeen daadadka xooggan iyo abaaraha soo noqnoqday.
Warbixintu waxay tilmaantay in habab ku dhisan ka faa’iidaysiga khayraadka deegaanka iyo ka-qaybgalka bulshada lagu gaadhayo natiijooyin dhiirrigelin leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-noolaynta dhirta iyo cawska, yaraynta ciidda ay daadadku qaadaan iyo korodhka wax-soo-saarka beeraha Jamhuuriyadda
Sida lagu sheegaray warbixinta oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, dadaalladan waxa ka mid ah mashaariic ay ka taageerayso hay’adda gargaarka iyo horumarinta ee Concern Worldwide, kuwaas oo lagu tababarayo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada habab ay ku ilaashan karaan dhulkooda, kuna horumarin karaan wax-soo-saarka iyaga oo adeegsanaya agabka deegaanka.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in Somaliland ay muddo dheer nolosha beeralayda iyo xoolo-dhaqatadu ku tiirsanayd laba xilli-roobaad oo sannadkii la filan jiray. Hase yeeshee, sida ay sheegtay warbixinta Irish Farmers Journal, sannadkii 2020 ayaa ahaa sannadkii ugu dambeeyey ee ay Somaliland heshay labada xilli-roobaad ee ay bulshooyinkaasi ku tiirsanaayeen, sida ay warbixintu xustay. Iyada oo roobabka oo aan sidii hore loo saadaalin karin, abaaraha soo noqnoqday iyo roobabka xooggan ee muddo gaaban da’a ay culays ku hayaan hab-nololeedka dadka ku tiirsan beeraha iyo xoolaha.
Sida ay sheegtay warbixintu Marka roobku u da’o si xooggan muddo kooban, biyuhu waxay qaadaan ciidda sare ee bacrinta leh, iyaga oo aan helin wakhti ku filan oo ay dhulka ugu milmaan. Tani waxay yaraynaysaa awoodda dhulku u leeyahay inuu biyaha kaydiyo, isla markaana waxay dhaawacdaa beeraha iyo dhul-daaqsimeedka. Sidaas darteed, ilaalinta ciidda, kaydinta biyaha roobka iyo dib-u-soo-celinta dhirta ayaa noqday tallaabooyin muhiim u ah sii jiritaanka nolosha miyiga.
Warbixinta Irish Farmers Journal ayaa si gaar ah u soo bandhigtay tusaalaha beeraley lagu magacaabo Axmed, oo ku nool deegaanka koonfur-galbeed ee Somaliland. Axmed ayaa sheegay in dhulkiisa beeraha uu si weyn u dhaawacay nabaad-guur ka dhashay daadad muddo sannado ah ku qulqulayey hal marin, kaas oo sii ballaadhan jiray mar kasta oo roob xooggan da’o.
Sida lagu shegay warbixinta, xalka la adeegsaday waxa ka mid ahaa dhismaha biyo-xidheennada dhagaxa ah ee lagu rakibo shabagyada birta ah, kuwaas oo loo yaqaan gabion dams. Biyo-xidheennadani waxay yareeyaan xawaaraha biyaha daadadka, iyaga oo u oggolaanaya ciidda ay biyuhu sidaan inay ku ururto gadaashooda.
Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay mashruuc kale oo lagu soo celinayo dhul-daaqsimeedka, kaas oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Somaliland. Mashruucan waxa lagu sameeyey in ka badan 2,700 god oo qaab bilaha dayaxa ah u samaysan, kuwaas oo si siman loogu qoday dhul-daaqsimeed baaxaddiisu tahay 60 hektar. Qiyaastii 70 qoys ayaa xoolahooda ku daaqsada deegaankaas.




















