Tartanka Dagaalka Iyo Dhimashada Sababa!

0
5

Bishii Janaweri sanadkii 2011, nin lagu magacaabo José Luis Ochoa, oo da’diisu ahayd 35 sano oo degenaa Lamont, California dalka Maraykanka, ayaa ka qaybgalay goob lagu qabanayay tartanka dagaalka  diigga.

Dagaallada noocan ah, ee diigagga ayaa mararka qaar lugaha looga xidhaa mindiyo ama biro fiiqan si ay uu ugula daglaamo midba ka kale. Guinness World Records+1

Iyadoo daawashada dagaalka Diigaga lagu jiro, ayaa si lama filaan ah booliiska oo ogaaday falka aan sharci ahaan la ogolayn goobta yimaadeen. Mr.Ochoa iyo dadkii kale ee goobta joogay ayaa isku dayay inay ka baxsadaan markii booliisku soo gaadhay.

Mid ka mid ah diigaggii ayaa lugta ku xidhnaa mindi fiiqan oo afweyn, waxaana mindidii ay ku dhacday bowdada/lugta Ochoa.

Dhaawaciisa ayaa noqday mid halis ah. Ochoa waxaa loo qaaday isbitaalka, laakiin qiyaastii laba saacadood ka dib ayaa la shaaciyay in uu u dhintay dhaawac soo gaadhay.

Baadhitaanka meydka lagu sameeyay ayaa cadeeyay in dhimashadiisa ay sababtay dhaawac midida fiiqan oo ka gaadhay kubka lugta midig, kaas oo keenay  dhiig-bax.

Booliisku markii ay goobta baadheen waxay heleen shan diig oo iyaguna dagaalka laftiisa u dhintay iyo caddeymo kale oo muujinayay in halkaas lagu qabanayay dagaal diigag oo sharci-darro ah. Dhacdadan ayaa markii dambe Guinness World Records ku diiwaangelisay inay tahay kiis si rasmi ah loo xaqiijiyay oo nin lagu dilay dagaal diigag dhexmaray.

Middiyo loogu talagalay in diiggu uu hubka ahaan kula dagaallamo diig kale ayaa ugu dambayn keenay in  qof bani’aadam ah dilay. (Guinness World Records1)