Rajendra Dawadi, oo ah Macallin dugsi ayaa ka sheekeeyay sida uu u badbaadiyay 900 oo arday oo ku nool Nepal, markii daadadku dhaceen – isaga oo si degdeg ah uga daadgureeyay 10 daqiiqo ka hor inta aanay biyuhu ku dhufan. Rajendra Dawadi, oo mas’uul ka ah Dugsiga Sare ee Tribhuvan Trishuli ee Nuwakot, ayaa sheegay inuu helay afar wicitaan saacadda 09:10 waqtiga maxalliga ah (03:25 GMT) oo digniin ah oo ku saabsan masiibada dalkaa ka dhacday oo hadda galaafatay ugu yaraan 794 qof.
Wuxuu si degdeg ah u go’aansaday inuu ka guuro, isaga oo carruurta u sheegay inay u ordaan dhul sare, wuxuuna amray basas ay ardaydu ka buuxaan inay si ded deg ah uga cararaan aagga. Dawadi wuxuu yidhi: “Haddii aanaan go’aan degdeg ah qaadan, 10 daqiiqo ka dib waxaan noqon lahayn dhammaanteen kuwo daadku haleelo.”
Digniinaha ayaa ka yimid afar qof oo kala duwan daqiiqado gudahood waxayna ka caawiyeen inuu qiimeeyo khatarta soo socota. “Waalid ayaa ii yimid oo ii sheegay in ‘daad weyn uu soo socdo, ka dib waxaan qaatay go’aan’,”. “Waxaan ku faanayaa inaan badbaadinay nolol badan.” ayuu raaciyay
Daadadkii – oo burburiyay qaybo ka mid ah Nepal Arbacadii hore isla markaana la la’yahay ugu yaraan 2,426 qof – ayaa dhismihii iskuulka ka dhigay mid ku aasan dhoobo iyo burbur.
Dawadi wuxuu sheegay in biyuhu ay si degdeg ah u yimaadeen taas oo keentay in dhisme hostel ah oo qiyaastii 100m (328ft) u jira webiga uu isla markiiba ku daatay.
Markii hore, arday badan ma aanay garan sida xaaladdu u daran tahay.
Ardayad Yunisha Amatya, oo 16 jir ah, ayaa sheegtay inay si nabad ah ula carartay asxaabteeda wax yar ka hor inta uaanu daadku ku dhufan.
“Aniga iyo asxaabteyda waxaan ku badbaadnay 10 ilbiriqsi oo keliya,” ayay u tidhi. Yunisha iyo asxaabteeda ayaa fuulay waddo baxsasho ah oo ka dambeysa dugsiga. “Si dhakhso ah uma socon karin, asxaabtayduna waxay iga caawiyeen inaan fuulo buurta. Waxaan isku daynay intii karaankeen ah inaan ku jirno meelaha ugu nabdoon markaas. Ardayda iyo macallimiintu waxay markii hore u dhaqaaqeen dhowr boqol oo mitir oo kor u fuul ah si ay u gaadhaan meel ammaan ah ka hor inta aanay gaadhin tuulo deris la ah.
Maamulaha iyo Yunisha, oo labaduba ku nool webiga ka soo horjeeda dugsiga, ayaa ugu dambeyntii diyaarad loogu qaaday tuuladooda. Dhanka kale waalidiintu waxay si quus ah isugu dayayeen inay la xidhiidhaan carruurtooda iyo qaraabadooda.



















