Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland
Hargeysa (Dawan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale qaaday tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa qorshe fog iyo dadaal joogto ah oo lagu dhisayo hay’ado qaran oo casri ah iyo nidaam dhaqaale oo awood u leh inuu ka jawaabo baahiyaha bulshada. Daahfurka Qaab-dhismeedka Qaran ee Wacyigelinta iyo Barashada Caymiska, oo ay si wadajir ah u daahfureen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL iyo Hay’adda Caymiska Qaranka, waa tallaabo mudan in si gaar ah loo xuso. Waxay muujinaysaa in Xukuumaddu fahamsan tahay muhiimadda ay leedahay in bulshada la siiyo aqoon iyo faham ku saabsan adeegyada maaliyadeed ee saamaynta ku leh noloshooda iyo dhaqaalaha dalka.
Caymisku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka dhaqaale ee casriga ah. Waxa uu bulshada iyo ganacsiyada ka caawiyaa maaraynta khataraha iyo khasaaraha lama filaanka ah, isaga oo siinaya fursad ay si qorshaysan ugu diyaargaroobaan xaaladaha adag. Sidaas darteed, fahamka bulshada ee la xidhiidha caymisku wuxuu si toos ah uga caawinayaa bulshada reer Somaliland xoojinta awoodda dhaqaale iyo kartida ay u leedahay inay si wanaagsan u maamusho una maarayso hantideeda iyo khataraha dhaqaale.
Tallaabadani waxay noqon kartaa halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro waxtarka Qaab-dhismeedkan Qaran ee Wacyigelinta iyo Barashada Caymiska, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay kobcinta awoodda dhaqaale ee bulshada iyo xoojinta dhaqaalaha qaranka Somaliland. Maaha oo keliya qorshe lagu kordhinayo aqoonta iyo fahamka bulshada, balse waa tallaabo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo dhaqan dhaqaale oo cusub, kaas oo ku salaysan wacyi, qorshayn, maaraynta khataraha iyo masuuliyad dhaqaale.
Tallaabadani waxay sidoo kale caddayn u tahay in Xukuumaddu aanay ku koobnayn oo keliya wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee maanta taagan, balse ay si qorshaysan uga shaqaynayso dhismaha mustaqbal dhaqaale oo waara, ilaalinta hantida ummadda iyo xoojinta badbaadada bulshada. Waxa kale oo Qaab-dhismeedkan qaran astaan u yahay dadaalla lagu doonayo in bulshada Somaliland loogu abuuro faham iyo aqoon ku filan oo ku saabsan doorka caymisku ku leeyahay nolosha qofka, koboca ganacsiga iyo xasilloonida dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Hay’adda Caymiska Qaranka wuxuu mudan yahay bogaadin iyo dhiirrigelin. Labadan hay’adood waxay muujiyeen faham qoto-dheer oo ku salaysan in wacyigelin wax-ku-ool ahi u baahan tahay iskaashi iyo isku-duwid dhab ah oo dhex mara hay’adaha qaranka ee ay khusayso, si bulshada loo gaadhsiiyo farriimo cad, xog sugan iyo aqoon si fudud loo fahmi karo. Taasina waa sababta ay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland laf-dhabarta ugu tahay hirgelinta qorshahan, maadaama warbaahinta qaranku ay arrintan ku leedahay door lagama maarmaan ah, isla markaana ay tahay aaladda ugu muhiimsan ee lagu gaadhsiin karo wacyigelinta qaybaha kala duwan ee bulshada, laguna kobcin karo fahamka guud ee caymiska iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay qofka, ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha qaranka.
Guud ahaan, tallaabadan Xukuumaddu qaaday waxay ka mid tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha iyo nidaamyada dhaqaale ee dalka. Waa tallaabo muujinaysa in horumarka qaranku aanu ku koobnayn mashaariicda muuqata oo keliya, balse uu sidoo kale ku dhisan yahay aqoon, wacyigelin, hay’ado shaqaynaya iyo qorsheyaal waara.
Guntii iyo gabagabadii, Caymisku waa laf-dhabar muhiim u ah dhaqaalaha casriga ah. Waxa uu qofka, qoyska, ganacsadaha iyo hay’adaha ka caawin karaa inay si nidaamsan u maareeyaan khataraha lama filaanka ah. Sidaas darteed, go’aanka Xukuumaddu ku doonayso in bulshada la gaadhsiiyo aqoon iyo faham ku filan oo ku saabsan caymiska wuxuu ka tarjumayaa siyaasad ku dhisan wacyigelin, qorshayn iyo masuuliyad qaran.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliladn oo garab istaagtay hawshan ayaa sidoo kale, si gaar ah u muujinaysa muhiimadda ay Xukuumaddu siinayso awoodda warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada. Haddii fariinta caymiska si joogto ah, sax ah oo la fahmi karo loo gaadhsiiyo shacabka, waxa suurto gal ah in la abuuro jiil leh faham dhaqaale oo ka duwan kii hore. Dhanka kale, Hay’adaha qaranku marka ay isku xidhaan aqoon, wacyigelin iyo adeeg dadweyne, waxa soo baxaya nidaam ka waxtar badan mid ku tiirsan dadaal hay’adeed oo keliya.



















