Wasaaradda Deegaanka Oo soo Noolaysay Seeraha Degaanka Qalloocato (Daadmadheedh)

0
19

Oodweyne (Dawan) Dedaalka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu soo noolaynayo Seeraha Qalloocato ee gobolka Daad-madheedh ayaa tusaale u noqday sida ilaalinta dhulku u soo celin karto dhirtii iyo daaqii, una abuuri karto deegaan waxtar u leh xoolaha iyo bulshada ku tiirsan khayraadka dabiiciga ah.

Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Daad-madheedh, Cabdiwahaab Xaaji Odowaa Abokor, ayaa sheegay in seerahaasi markii hore ahaa dhul bannaan oo aan lahayn dhir muuqata, balse ilaalintiisu suurtogelisay in deegaanku dib u soo noolaado.

Waxaanu yidhi.“Seeraha Qalloocato waxay ahayd buur aan geed yar iyo mid weyniba ka bixin markii aanu oodaynay.

Dadkuna waxay lahaayeen halkan waxba kama soo baxayaan, maantana waad arkaysaan nimcada Ilaahay dhigay iyo deegaanka soo baxay,”

Waxa uu xusay in dhulka laga ilaaliyo xaalufinta iyo daaqa xad-dhaafka ahi uu dib u soo ceshan karo dhirtii iyo waxtarkii dabiiciga ahaa, isaga oo bulshada ku boorriyey inay ka qayb qaadato ilaalinta seerayaasha iyo khayraadka deegaanka.

Soo noolaynta Qalloocato waxay xoojinaysaa rajada laga qabo in ilaalinta dhul-daaqsimeedku gacan ka geysan karto helitaanka daaq wanaagsan, taageeridda xoolo-dhaqatada iyo dhisidda deegaan cagaaran oo waara.