Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida Somaliland ayaa dalbaday in masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka la hor keeno Golaha, si wax looga weydiiyo xaalufinta dhirta, dhuxulaysiga iyo ilaalinta duurjoogta, iyaga oo ku baaqay qorshe qaran oo lagu joojinayo nabaadguurka, laguna dhiirrigelinayo isticmaalka dhuxusha dhagaxa iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo berriga.
Mudaneyaasha Golaha oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa walaac ka muujiyey xaalufka sii baahaya, dhibaatada geedka Garanwaaga iyo oodashada sharci-darrada ah ee dhulka.
Waxa ay soo jeediyeen in dib loo hawlgeliyo ciidamadii ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta, lana qaado olole qaran oo bulshada lagu baraarujinayo muhiimadda ay leedahay badbaadinta khayraadka dabiiciga ah.
Goluhu waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xal waara oo lagu yareeyo jarista dhirta iyo dhuxulaysiga, iyadoo la dhiirrigelinayo dhuxusha dhagaxa oo beddel u noqon karta dhuxusha dhirta, lana horumarinayo khayraadka badda iyo berriga si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo oo aan waxyeellayn deegaanka.
Dhanka kale waxay sheegeen in badbaadinta deegaanku waa badbaadinta nolosha, xoolaha iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.
Iskaashiga dawladda, ganacsatada iyo bulshada, oo ay weheliso ilaalinta dhirta, dib-u-beerista dhulka xaalufay iyo ka faa’iidaysiga masuuliyadda leh ee khayraadka dalka, ayaa saldhig u noqon kara Somaliland cagaaran, bilicsan, dhaqaale ahaan kobcaysa, bulshadeedu ku nooshahay deegaan nabdoon oo waara.




















