AllAfrica: “Somaliland oo Si Gaar ah Loogu Muujiyey Khariiddaha Is-bahaysidda Geeska Afrika”

0
18

“Netanyahu oo Somaliland ku Muujiyey Khariidad Isbahaysiyadda Gobolka”

Warbixin: Somaliland, Berbera iyo Baabul-Mandab: Muhiimada Loolanka Istaraatiijiga ah ee Gobolka

Washington (Dawan) Warbixin ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee AllAfrica ayaa sheegtay in Somaliland si gaar ah loogu muujiyey khariidad juquraafi-siyaasadeed oo uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, intii lagu jiray bandhig la xidhiidhay arrimaha amniga. Sida lagu xusay warbixinta khariidadda ayaa muujinaysa meesha ay Somaliland kaga jirto isbeddellada istaraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan xidhiidhada siyaasadeed iyo amni ee ka dhex jira quwadaha gobolka.

Sida ay sheegtay warbixinta AllAfrica, khariidadda oo cinwaankeedu ahaa “Isbahaysiyada Juquraafi-siyaasadeed ee Bariga Dhexe” ayaa ka muuqatay shaashad ka dambaysay Netanyahu intii uu bandhigga samaynayay. Waxa lagu muujiyey xidhiidho iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Somaliland, Israa’iil, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Turkiga, Masar, Iiraan iyo dalal kale.

Sida ay sheegtay warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, Khariidadda oo sidatay astaanta hay’adda Jarmalka ee Friedrich Ebert Stiftung ayaa dalalka iyo dhulalka kala duwan ku kala saartay midabbo, kuwaas oo muujinaya xidhiidhada juquraafi-siyaasadeed ee loo nisbeeyey dhinacyada kala duwan ee gobolka. Warbixintu waxay xustay in Somaliland lagu muujiyey midab buluug khafiif ah, kaas oo sida ku cad sharraxaadda khariidadda metelaya dalalka iyo dhulalka loo arko inay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Khariidadda ayaa sidoo kale muujisay koox lagu magacaabay “Isbahaysiga Lix-geesoodka ah ee Israa’iil iyo Imaaraadka”, halka dhinaca kalena lagu soo bandhigay koox ay ku jiraan Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sucuudiga. Iiraan iyo xulafadeeda gobolka ayaa iyaguna lagu muujiyey koox kale oo leh dano juquraafi-siyaasadeed oo ka duwan kuwa dhinacyada kale.

Warbixintu waxay xustay in muuqaalka Somaliland ee khariidaddani ay dib u soo jeedinayso dareenka ku wajahan muhiimadda istaraatiijiyadeed ee ay leedahay goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan u dhowaanshaheeda marin-biyoodka Baabul-Mandab, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta caalamiga ah ee isaga kala goosha Badda Cas iyo badaha kale.

Waxa kale oo ay tilmaantay warbixinta ee AllAfrica muhiimadda sii kordhaysa ee xeebaha Somaliland iyo Dekedda Berbera ay u leeyihiin ganacsiga iyo amniga gobolka, iyadoo quwadaha caalamiga ahi danaynayaan xoojinta xidhiidhada dhaqaale iyo iskaashiga amni ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

“Soo bandhigista khariidaddu waxay Somaliland ku soo kordhinaysaa doodda ku saabsan loollanka juquraafi-siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan muhiimadda marin-biyoodka Baabul-Mandab, Gacanka Cadmeed iyo dekedaha istaraatiijiga ah ee gobolka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta AllAfrica.