Hargeysa (Dawan) Xarunta Baanka Somaliland waxa shalay ka qabsoomay kulanka Talo-bixinta iyo Lafo-gur Hindise-Sharciyeedka Xogta Amaahda (Credit Information Bill), kaas oo ay ka qayb galeen guddiyada sharciga ee Baanka Somaliland iyo wakiillo ka socday, hay’adaha Maaliyaadeed ee dalka.
Kulanka waxa furay Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, waxaanu ujeeddadiisu ahayd in lagu lafo-guro oo laga talo bixiyo qodobbada hindise-sharciyeedka iyo sii ambaqaadidda dhammaystirka dukumentiyada la xidhiidha.
Intii uu kulanku socday, ka qaybgalayaasha waxa loo soo bandhigay Hindise-Sharciyeedka Xogta Amaahda iyo qoraalka sharraxaadda ah(Explanatory Note), si ay si qoto dheer ugu baadhaan, nuxurka hindise-Sharciyeedka Xogta Amaahda, sidoo kalena ay u soo jeediyaan talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ka qayb qaadanaya dhamaystirka sharciga.
Gebogabadii kulanka, guddidu waxa ay isla meel dhigtay tallaabooyinka xiga ee lagu dhammaystirayo dukumentiyada hindise-Sharciyeedka iyada oo la qeexay masuuliyadaha dhinacyada ay khusayso iyo wakhtiyada kama dambaysta ah ee hawlaha loo cayimay. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii ambaqaadayo diyaarinta Hindise-Sharciyeedka Xogta Amaahda, si loo gaadho dhammaystirkiisa, haddii Alle idmo.
Home Wararka Dalka Baanka Dhexe ee JSL: Hindise-Sharciyeedka Xogta Amaahda oo Lafo-gur Lagu Sameeyay




















