Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa khamiistii soo xidhay tabobar socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayey aqoonta iyo xirfadaha xubnaha Guddida Isku-dubbaridka Dib-u-habaynta Wasaaradda. Tabobarkan ayaa qayb ka ah hirgelinta Istaraatiijiyadda Maaraynta Isbeddelka (Change Management Strategy), oo loo diyaariyey in lagu xoojiyo isku-dubbaridka, hirgelinta iyo joogtaynta dib-u-habaynta Wasaaradda.
Istaraatiijiyaddan ayaa salka ku haysa qiimayn iyo daraasado lagu sameeyey nidaamyada shaqo ee Wasaaradda iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta dib-u-habaynta. Diyaarinteeda waxa Wasaaradda ka taageeray Mashruuca SERP. Tabobarka ayaa diiradda lagu saaray fahamka iyo maaraynta isbeddelka, doorka iyo masuuliyadaha Guddida, isku-dubbaridka dib-u-habaynta, maaraynta caqabadaha, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha, xidhiidhka iyo wacyigelinta shaqaalaha, iyo hababka dabagalka, qiimaynta iyo ka warbixinta horumarka dib-u-habaynta.
Guddida ayaa loo xilsaaray isku-dubbaridka hawlaha dib-u-habaynta, xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha, dabagalka hirgelinta qorshayaasha, iyo u gudbinta hoggaanka Wasaaradda caqabadaha jira iyo xalalka ku habboon.
Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, oo ka hadlay xidhitaanka tabobarka, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay Istaraatiijiyadda Maaraynta Isbeddelku u leedahay xaqiijinta in dib-u-habaynta Wasaaraddu aanay ku ekaan qorshayaal iyo dukumentiyo, balse ay noqoto isbeddel dhab ah oo ka muuqda habsami-u-socodka shaqada maalinlaha ah ee Wasaaradda.
Waxa uu xubnaha Guddida ku dhiirrigeliyey inay aqoonta iyo xirfadaha ay tabobarka ka korodhsadeen u beddelaan waxqabad muuqda, iyaga oo dejinaya qorshe-hawleed cad, xoojinaya wada-shaqaynta joogtada ah, isla markaana hirgelinaya hannaan lagu cabbiro laguna qiimeeyo horumarka dib-u-habaynta.
“Guusha dib-u-habayntu kuma xidhna oo keliya qorshayaasha aynu qorno, balse waxa ay ku xidhan tahay isbeddelka aynu dhab ahaan u hirgelinno, kuna sii waarinno nidaamka shaqo ee Wasaaradda,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Dhankiisa, Madaxa Mashruuca SERP, Mudane Maxamuud Cumar Xuseen, ayaa isaguna iftiimiyey doorka muhiimka ah ee Istaraatiijiyadda Maaraynta Isbeddelku ku leedahay hirgelinta dib-u-habaynta Wasaaradda. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay dhismaha Guddi u xilsaaran hagidda, isku-dubbaridka iyo dabagalka isbeddellada, si loo xaqiijiyo in dib-u-habayntu u hirgasho si nidaamsan, wax-ku-ool ah oo waarta.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey Mashruuca SERP iyo xubnaha Guddida dadaalka ay geliyeen diyaarinta Istaraatiijiyadda. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in hoggaanka Wasaaraddu taageero buuxda siin doono Guddida, si ay si hufan oo waxtar leh u gudato masuuliyadaha loo igmaday.




















