The Cradle “Xukuumadda Somaliland oo Lana Nusseibeh, ku Taageertay Xilka Xoghayaha Qaramadda Midoobay

0
20

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta The Cradle ayaa baahisay warbixin warbixin cusub oo ay ku sheegtay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay taageertay Lana Nusseibeh, oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana u tartamaysa  xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warbixinta, dowladda Somaliland ayaa 21-kii Oktoobar 2026 ku dhawaaqday inay taageersan tahay musharraxnimada Nusseibeh, oo la sheegay inay ka mid tahay dadka loo saadaalinayo inay u tartamaan xilka uu dhammaadka sannadkan banaynayo António Guterres.

Sida lagu sheegay warbixinta xukuumadda Somaliland ayaa ku baahisay barta X qoraal diblumaasiyadadeed oo lagu muujiyay taageerada Lana Nusseibeh, kaas oo lagu sheegay sidan “Lana Nusseibeh waa diblomaasi heer sare ah, waana musharraxad aad u wanaagsan oo beddeli karta António Guterres, isla markaana ku habboon in ay qabato  xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.”

Warbixinta The Cradle oo uu Wargeyska Dawan soo xisgtay waxa kale oo ay sheegtay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku tilmaantay Lana Nusseibeh diblumaasiyad leh waayo-aragnimo qoto-dheer, aragti fog iyo hoggaamin diblomaasiyadeed oo heer caalami ah, iyadoo sheegtay in xukuumadda Somaliland ay farxad weyn u noqon lahayd in Marwo Lana Nusseibeh ay xilkan taariikhiga ah qabato.

Waa Kuma Lana Nusseibeh?

Lana Nusseibeh waa sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna safiirka dalkooda u fadhiisatay Qaramada Midoobay intii u dhexaysay 2013 iyo 2024.

Wargeyska Financial Times ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in Nusseibeh ay ka mid tahay dadka loo tixgelinayo inay u tartami karaan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Diblomaasiyiin uu wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in taageerayaasha Nusseibeh ay wadahadallo la yeesheen wakiillada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si ay u qiimeeyaan heerka taageero ee ay ka heli karto musharraxnimadeeda.

Warbixinta Financial Times ayaa sidoo kale xustay shakhsiyaad kale oo loo arko inay u tartami karaan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Rebeca Grynspan oo ah  Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Costa Rica, ahna madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Ganacsiga iyo Horumarinta (UNCTAD) iyo Rafael Grossi oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA). António Guterres ayaa la filayaa inuu xilka banneeyo dhammaadka sannadka 2026, kaddib markii uu soo dhammeystay laba muddo-xileed oo min shan sano ah.

Warbixintu waxay sheegtay in hadal-haynta musharraxnimada Nusseibeh ay ku soo beegmayso xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo caalami ah, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Iiraan, Maraykanka iyo Israa’iil. Sidoo kale waxa ay sheegtay in taageerada Somaliland ee Lana Nusseibeh ay muujinayso dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto ballaadhinta xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta.