“Aqoonsiga Israa’iil: Fursad Taariikhi oo Furaya Albaabadda Caalamka”
“Somaliland Waxay Higsanaysa Aqoonsi Buuxa, Fursaddo Dhaqaale iyo Iskaashi Caalami ah”
Washington (Dawan) Warbixin cusub oo lagu daabacay warbaahinta Maraykanka ee The Christian Science Monitor (CSMonitor) ayaa iftiiminaysa fursadaha diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo istaraatiiji ee ka dhalan kara xidhiidhka cusub ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil. Sidas lagu xusay warbixinta xidhiidhkan ayaa Somaliland u abuuri kara fursado iskaashi gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha casriga ah, maaraynta biyaha, caafimaadka, tamarta iyo maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Warbixinta The Christian Science Monitor (CSMonitor) oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan waxa kale oo lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dawlad madax-banaan tan iyo sannadkii 1991-kii ay aqoonsiga Israa’iil u aragto tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, taas oo xoojin karta rajadeeda ku aaddan inay mustaqbalka hesho aqoonsiga dalal kale. Waxa kale oo lagu xusay in tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda ay dhisatay hay’ado dowladeed, ciidan, lacag u gaar ah iyo nidaam maamul oo iyada u gaar ah.
Sida lagu sheegay warbixintan, aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday 26-kii Diseembar 2025 wuxuu Somaliland u noqday tallaabo muhiim ah oo ku saabsan dadaalkeeda diblomaasiyadeed. Isla markaana ay Somaliland rejaynayso in tallaabadani ay dhiirrigeliso dalal kale inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa lagu xusay in xidhiidhkan cusub uu dawladda Somaliland u abuurayo fursad lagu ballaadhin karo xidhiidhka caalamiga ah, laguna horumarin karo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo tiknoolajiyadda.
Warbixintu waxay intaas raacisay “Somaliland waxay leedahay fursado dhaqaale oo la xidhiidha xoolaha nool, beeraha, tamarta, macdanta, ganacsiga gobolka iyo dekedda Berbera. Xidhiidhka Israa’iil wuxuu abuuri karaa waddooyin cusub oo lagu horumarin karo qaybahan, marka loo beddelo heshiisyo wax-ku-ool ah iyo mashaariic maalgashi oo dhab ah.”
Sidoo kale warbixintu waxay intaas ku dartay “Fursadaha iskaashi ee mudan in la horumariyo waxaa ka mid ah: Tiknoolajiyadda iyo beeraha casriga ah: Ka faa’iidaysiga aqoonta iyo farsamooyinka casriga ah si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha, loona horumariyo sugnaanta cuntada. Maaraynta biyaha: Horumarinta farsamooyinka kaydinta biyaha, sifaynta, waraabka iyo isticmaalka hufan ee kheyraadka biyaha.
Caafimaadka: Iskaashiga adeegyada caafimaadka, tababarka xirfadlayaasha iyo helitaanka tiknoolajiyad caafimaad oo casri ah. Tamarta: Sahaminta fursadaha tamarta qorraxda iyo ilaha kale ee tamarta dib loo cusboonaysiin karo. Maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha: Horumarinta dekedda Berbera, adeegyada saadka, gaadiidka iyo isku xidhka ganacsiga gobolka. Arrimahani waxay gacan ka geysan karaan abuurista shaqooyin, kobcinta ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland.”
Waxa kale oo warbixinta lagu soo bandhigay muhiimadda Istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan Goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo Somaliland, warbixintu waxay si gaar ah u xustay muhiimadda xeebaha Somaliland ee ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo ay ku tilmaantay fursad istaraatiiji ah oo Somaliland siinaysa muhiimad gaar ah marka la eego ganacsiga caalamiga ah, isu-socodka maraakiibta iyo amniga badda.
“Dekedda Berbera waxay ka mid tahay hantida istaraatiijiga ah ee Somaliland, maadaama ay fursad u leedahay inay noqoto xarun muhiim u ah isku xidhka ganacsiga Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka. Xidhiidhka Israa’iil wuxuu abuuri karaa fursado iskaashi oo la xidhiidha ilaalinta xeebaha, amniga maraakiibta ganacsiga, la dagaallanka tahriibka iyo budhcad-badeedda, iyo horumarinta awoodaha farsamo ee amniga badda,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Sidoo kale waxaa lagu yidhi warbixinta “Mid ka mid ah himilooyinka Somaliland ka leedahay xidhiidhka Israa’iil waa in aqoonsigani dhiirrigeliyo dalal kale, gaar ahaan Maraykanka, iyada oo Washington laga filayo in ay tixgeliso aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland. Taageerada ay muujiyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ayaa Somaliland siinaysa fursad ay ku sii waddo dadaalkeeda diblomaasiyadeed. Sidaas darteed, Somaliland waxay danaynaysaa inay ballaadhiso xidhiidhkeeda caalamiga ah, xoojiso wada-shaqaynta dalalka Afrika, Carabta iyo reer Galbeedka, isla markaana soo bandhigto doorka ay ka qaadan karto nabadda, amniga iyo ganacsiga gobolka.”




















