Rikoodh naadir ah & natiijo anfariir leh oo laga diiwaan geliyey Kulamada Barcelona & Aston Villa

0
7

Barcelona iyo Aston Villa ayaa foodda isku dari doona kulan weyn oo ka tirsan Champions League, laakiin indhaha ayaa si gaar ah ugu jeeda tababaraha Aston Villa, Unai Emery, oo Camp Nou kula soo laabanaya taariikh aan wanaagsanayn.

Emery wuxuu garoonkan Barcelona kula ciyaaray 15 jeer isagoo hoggaaminaya kooxo kala duwan, waxaana laga badiyay 14 jeer, isagoo hal guul oo keliya ka gaadhay. Waxaa xusuusta ugu weyn weli ku taalla guuldarradii taariikhiga ahayd ee 6-1 ee PSG kasoo gaadhay Barcelona sanadkii 2017.

Laakiin markan xaaladdu way ka duwan tahay. Emery wuxuu Camp Nou keenayaa Aston Villa oo saddexdeeda kulan ee Champions League wada badisay, 9 dhibcoodna haysata. Haddaba, Villa ma jebin doontaa habaarka Emery ee Camp Nou, mise Barcelona ayaa markale u horseedi doonta habeen kale oo adag? Aan eegno hordhaca kulankan weyn, xaaladda labada kooxood iyo waxa laga filan karo. Leaguesta