Gerrard oo Taageeray Soo Laabashada Trent: “Qaabkii uu Liverpool uga Tegay Weli Waa Xanuun”

0
6

Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa taageeray fikradda ah in Trent Alexander-Arnold dib loogu soo celiyo Anfield, xilli shaki laga muujinayo mustaqbalkiisa Real Madrid sababo la xidhiidha waqtiga ciyaareed ee uu helayo.

Gerrard ayaa sheegay in marka la eego tayada, kartida iyo guulihii Trent uu Liverpool la gaadhay, uu si buuxda u taageerayo soo laabashadiisa.

Si kastaba, wuxuu qiray in qaabkii Trent uga tagay Liverpool uu weli dhaawac ku reebay taageerayaasha, taasina ay keeni karto muran haddii dib loo soo celiyo.

Gerrard ayaa ugu dambayn caddeeyay mowqifkiisa isagoo yidhi inuu shaqsi ahaan soo dhoweyn lahaa Trent, inkastoo uu fahamsan yahay dareenka taageerayaasha qaarkood