Digniino Weerar Nukleer Oo Been Abuur ah oo loo Diray Bulshada Dalalka Ruushka iyo Ukraine

0
7

Ukraine iyo Ruushka ayaa sheegay in barnaamijyada digniinaha degdegga ah ee ay adeegsadaan shacabka labada dal la jabsaday, kaddib markii habeenkii Axadda dadka isticmaala loo diray farriimo been abuur ah oo ka digayay weerarro kala duwan, oo ay ku jiraan kuwo nukliyeer ah. Dhacdadan ayaa cabsi iyo walaac ka dhex abuurtay qaar ka mid ah dadka deggan labada dal, gaar ahaan Ukraine oo muddo dheer wajahaysay weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Barnaamijka digniinaha hawada ee Ukraine ayaa shacabka u diray farriimo sheegaya inay jiraan khataro heer sare ah oo dhinaca cirka ah, halka qaar ka mid ah dadka deggan caasimadda Kyiv iyo deegaanno kale loo diray digniino ku saabsan shucaac, weerarro kiimiko iyo dagaallo waddooyinka ka dhacaya. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa qoraal ay ku baahiyeen barta Telegram ku sheegay in barnaamijka digniinaha hawada laga yaabo in faragelin lagu sameeyay, iyaga oo shacabka u xaqiijiyay inaanay jirin khatar shucaac ah, kuna boorriyay inay xogta ka raacaan kanaallada rasmiga ah.

Dowladda Ukraine ayaa markii dambe si ku-meel-gaar ah u joojisay adeegga barnaamijka, iyadoo sheegtay in la tuhunsan yahay in la jabsaday. Haweeney lagu magacaabo Olena oo ku nool Kyiv ayaa BBC-da u sheegtay inay aad uga argagaxday farriimaha digniinta nukliyeerka. Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ay maskaxdeeda ku soo dhacday in weerar nukliyeer uu dhici karo, iyadoo xustay in dadka magaalada ku nool ay la qabsadeen koronto la’aan iyo dhibaatooyinka adeegyada aasaasiga ah, balse aanay diyaar u ahayn khatar noocaas ah.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iyaguna xaqiijiyay in barnaamij digniineed oo dalkooda laga isticmaalo uu la kulmay weerar dhanka internetka ah, kaas oo sababay in shacabka loo diro macluumaad been abuur ah. Qaar ka mid ah farriimaha loo diray dadka isticmaala barnaamijka Ruushka ayaa ka digayay weerarro nukliyeer oo la sheegay in lagu qaaday gobollo kala duwan, iyadoo sidoo kale dadka lagu amray inay kaydsadaan cunto ku filan muddo saddex toddobaad ah, isla markaana ay galaan goobo gabbaad ah.

Koox lagu magacaabo Atesh, oo taageerta Ukraine kana hawlgasha dhulalka uu Ruushku haysto, ayaa sawirro ka mid ah farriimahaas ku baahisay Telegram. Hase yeeshee, weli lama xaqiijin cidda ka dambaysay jabsashada labada barnaamij iyo in weerarradu isku xidhiidhsanaayeen. Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in hay’adaha iyo bogagga internetka ee dowladda Ruushka ay si joogto ah ula kulmaan weerarro dhanka internetka ah. Waxa uu sidoo kale xusay in horumarka garaadka macmalka ah (AI) uu qayb ka noqon karo kororka weerarrada noocan ah.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in adeegga barnaamijka dib loogu soo celin doono xaaladdiisii caadiga ahayd, iyadoo intaas ku dartay in weerarku aanu saameyn ku yeelan nidaamka guud ee digniinaha dalka. Khubarada amniga internetka ayaa sheegay in farriimaha lagu qoray luuqad aan rasmi ahayn iyo erayo cay ah ay muujin karaan inay ka dambeeyeen kooxo loo yaqaan Hacktivists, kuwaas oo adeegsada jabsashada internetka si ay u muujiyaan aragtiyo siyaasadeed ama u taageeraan dhinac dagaal ku jira.

Herbert Lin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Jaamacadda Stanford, ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadan ay muujinayso khatarta sii kordhaysa ee weerarrada lagu beegsanayo nidaamyada macluumaadka dadweynaha. Tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo 2022, labada dal ayaa si joogto ah u wajahaya weerarro dhinaca internetka ah, kuwaas oo qayb ka noqday dagaalka labada dhinac.  Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya cidda ka dambaysay farriimahan been abuurka ah, mana cadda in weerarradu ahaayeen hawlgallo isku xidhan ama dhacdooyin kala gaar ah.