Qoys ka Koobanaa Shan Qof oo Geeriyooday Kaddib Markii ay Wada Cuneen Macmacaan

0
5

 

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa sababtay dhimashada shan xubnood oo isku qoys ahaa, kaddib markii ay cuneen macmacaan ay quraac ahaan u diyaarisay hooyada qoyska. Booliiska ayaa baaraya suuragalnimada in cuntadaasi wasakhaysanayd ama ay ku jirtay sun, iyadoo weli la sugayo natiijada baaritaanka shaybaadhka.

Dhacdadan ayaa 22-kii Oktoobar ka dhacday tuulada Mahmood Khanike, oo u dhow magaalada Kanganpur ee degmada Kasur. Qoyska dhibaatadu ku habsatay ayaa ka koobnaa aabbaha Qaasim Cali oo 55 jir ahaa, xaaskiisa Hasna Bibi oo 52 jir ahayd iyo saddexdooda wiil oo kala ahaa Asif Cali (28 jir), Nazim Cali (25 jir) iyo Amanat Cali (15 jir).

Sida ay sheegeen booliiska deegaanka iyo ehellada qoyska, Hasna Bibi ayaa subaxnimadii maalintaas diyaarisay macmacaan ay quraac ahaan wada cuneen dhammaan xubnaha qoyska. Aabbaha iyo saddexdiisa wiil oo ahaa beeraley ayaa intaas kaddib u baxay beeraha si ay uga shaqeeyaan diyaarinta goosashada dalagga. Hase yeeshee, duhurkii ayay xubnaha qoysku bilaabeen inay dareemaan xanuunno kala duwan, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad si tartiib ah uga sii darayeen.

Qoyska ayaa markii hore halkii ay xarun caafimaad u raadsan lahaayeen, la xiriiray qof deegaanka looga yaqaan Peer Sahib oo lagu tilmaamay inuu dadka ku daweeyo hab dhaqameed. Sida ay booliiska u sheegeen waalidka qoyska ka hor geeridooda, waxay hore ugu tiirsanaan jireen qofkan marka ay la kulmaan xanuunno ay ka mid yihiin qandho, madax-xanuun iyo calool-xanuun.

Si kastaba ha ahaatee, daaweyntaas waxba kama beddelin xaaladda bukaannada. Saddex maalmood kaddib, 25-kii Oktoobar, ayaa ehelladu geeyeen Isbitaalka Kanganpur, halkaas oo dhakhaatiirtu markii dambe u gudbiyeen Isbitaalka Xarunta Degmada (DHQ), ugu dambaynna Isbitaalka Guud ee magaalada Lahore.

Markii la gaadhsiiyey Isbitaalka Guud ee Lahore, xaaladda shanta qof ayaa ahayd mid aad u daran. Nazim Cali oo 25 jir ahaa ayaa habeenkii 25-ka Oktoobar noqday qofkii ugu horreeyey ee geeriyooda. Maalintii xigtay waxaa isaguna geeriyooday labadii walaalihiis ahaa ee Asif iyo Amanat.

27-kii Oktoobar ayaa aabbahood Qaasim Cali isna geeriyooday, halka 28-kii Oktoobar ay geeridiisu ku xigtay xaaskiisa Hasna Bibi, oo ahayd qofkii ugu dambeeyey ee qoyskaas ka geeriyooda. Sidaas ayay shan maalmood gudahood ku geeriyoodeen dhammaan shantii xubnood ee qoyska.

Shaki laga qabo xamaarato cuntada ku dhacday

Arrinta xiisaha iyo walaaca dhalisay ayaa ah sheegasho la xidhiidha xamaarato la sheegay inay ku dhacday macmacaanka. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada qoyska, Qaasim Cali ayaa dhakhaatiirta Isbitaalka DHQ u sheegay in xamaarato ay cuntada ku dhacday, isla markaana laga saaray qaybtii ay ku dhacday ka hor inta aan qoysku cunin cuntadii hadhay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraabada qaar ayaa sheegay in aanay hubin in xamaaratadu dhab ahaantii cuntada ku jirtay iyo in kale. Sidaas darteed, weli lama xaqiijin in xamaaratadu sabab u ahayd sumowga iyo dhimashada qoyska.

Aftab Ahmed Phulwan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska degmada Kasur, ayaa BBC Urdu u sheegay in baaritaannada hordhaca ahi muujinayaan in dhacdadu u muuqato mid shil ah. Waxa uu sheegay in muunado laga soo qaaday macmacaanka loo diray Shaybaadhka Dembi-baadhista ee gobolka Punjab, oo ku yaalla Lahore, si loo ogaado waxa sababay sumowga.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen in meydadka afar ka mid ah shantii qof la geeyey baaritaanka caafimaadka ee meydadka (postmortem). Nazim Cali, oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee geeriyooday, ayaa la aasay ka hor inta aan booliiska lagu wargelin dhacdada, sidaas darteed meydkiisa baaritaan laguma samayn.

Waheed Arif, oo ah madaxa saldhigga booliiska Kanganpur, ayaa sheegay in Qaasim Cali iyo xaaskiisu booliiska u sheegeen in aanay cidna colaad u qabin, isla markaana ay cuntadaas si caadi ah ugu wada quraacdeen gurigooda.

Dhanka kale, wasiirka caddaaladda ee gobolka Punjab, Rana Muhammad Iqbal Khan, ayaa warbixin ka dalbaday maamulka degmada Kasur, isaga oo faray in dhacdada si qoto dheer loo baadho.

Dhibaatooyinka adeegyada caafimaadka miyiga

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tuulada Mahmood Khanike ay ka mid tahay meelaha saboolka ah ee ku dhow Webiga Sutlej, isla markaana ay ka jirto adeeg caafimaad oo aad u kooban. Dadka deegaanka ayaa inta badan ku tiirsan beeraha iyo xoolaha, waxaana u dheer caqabado la xidhiidha gaadiidka iyo u safridda xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka.

Suxufiga Salman Yousuf ayaa sheegay in dadka tuuladu ay dhibaato kala kulmaan ka gudbidda dhulka bacaadka ah ee webiga, taas oo adkaysa inay si degdeg ah u gaadhaan xarumaha caafimaadka.

Qaraabada qoyska, Abdullah Kharal, ayaa ku baaqay in booliisku si qoto dheer u baadhaan dhacdada, isaga oo sheegay in qoysku ahaa mid nabad ku noolaa oo aan cidna colaad kala dhexayn.

Ilaa hadda, sababta rasmiga ah ee keentay dhimashada shanta qof lama xaqiijin. Natiijada baaritaanka meydadka iyo tan shaybaadhka Punjab ayaa la sugayaa, kuwaas oo la filayo inay iftiimiyaan waxa dhab ahaan sababay masiibadan.