Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa dalacsiiyey Sarkaal-xigeen Cabdikariim Yuusuf Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, isaga oo ku mutaystay dedaal, karti iyo masuuliyad shaqo.
Dalacsiintan ayaa dhiirrigelin u ah sarkaalka, farriinna u ah guud ahaan ciidamada in dedaalka iyo daacadnimada shaqadu mudan yihiin aqoonsi.
Taliyaha Booliska ayaa Sarkaal-xigeen Cabdikariim Yuusuf Maxamed ku bogaadiyey hawlkarnimada iyo masuuliyadda uu muujiyey, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii laba-jibbaarto dedaalkiisa, si hufan oo xilkasnimo lehna u guto waajibaadka qaranka.
Dalacsiintani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay aqoonsiga dedaalka iyo dhiirrigelinta ciidamada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata ilaalinta amniga, nabadgelyada waddooyinka iyo badbaadinta nolosha bulshada.




















