Somaliland oo Qabanqaabinaysa Shirweynihii ugu Horreeyey ee Amniga Internetka (Cyber)

0
5

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Jaamacadda Camuud ayaa iska kaashanaya qabanqaabada shirweynihii ugu horreeyey ee heer qaran ee amniga saybarka, kaas oo lagu xoojinayo ilaalinta xogta, amniga internetka iyo badbaadada adeegyada dijitaalka ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Jaamacadda Camuud iyo masuuliyiin ka socday Mashruuca Isku-xidhka Dijitaalka ah ee Bariga Afrika (EA-RDIP), oo uu taageero Baanka Adduunku.

Kulanka ayaa lagu lafa’gurey diyaar-garowga Shirweynaha 1-aad ee Heer Qaran ee Amniga Saybarka, oo ay si wadajir ah u qabanqaabinayaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL iyo Jaamacadda Camuud, taageerona ka helaya Baanka Adduunka.

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga bulshada ee khataraha internetka, la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dawladda, jaamacadaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta, isla markaana la horumariyo ilaalinta xogta iyo badbaadada adeegyada dijitaalka ah ee Somaliland.

Qabanqaabada shirweynahan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan adeegsiga tiknoolajiyadda iyo adeegyada internetku, taas oo muhiim ka dhigaysa in la xoojiyo aqoonta iyo hababka lagaga hortagayo khataraha amni ee ka dhasha dunida dijitaalka ah.

Shirweynuhu waxa uu fursad u noqon doonaa isu-keenista khubarada iyo hay’adaha ay khusayso, si loo wadaago aqoon iyo waayo-aragnimo, loona xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga xogta iyo adeegyada dijitaalka ah ee dalka.