“Xukuumad Ahaan Waxa Aanu Dadaal Xoog ah Galin Doonaa Kobcinta iyo Horumarinta Ciidanka Booliska”

0
5

Horumarinta Ciidanka Booliska: Himilada Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Madaxweyne Cirro oo Adkaynaya Aasaaska Amniga iyo Nabadgelyada Somaliland

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale muujiyey hoggaamin masuuliyad leh iyo ka go’naansho dhab ah oo ku wajahan horumarinta Ciidanka Booliska, isaga oo mudnaanta koowaad siinaya kobcinta aqoontooda, xirfaddooda iyo agabkooda shaqo. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida ay xukuumaddiisa ay uga go’an tahay xoojinta amniga, sugidda nabadgelyada iyo dhismaha ciidan boolis oo tayo leh, awoodna u leh gudashada waajibaadka qaranka.

Madaxwaynaha ayaa hadalkan sheegay xilli uu shalay ka qaybgalay xuska munaasibadda sannad-guurada 33-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska. Iyada oo hadalkan Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), si cad u muujinayo muhiimadda ay xukuumaddu siinayso tayaynta hay’adaha amniga, gaar ahaan ciidanka sida tooska ah ugu xidhan ilaalinta nabadgelyada, kala dambaynta iyo badbaadada bulshada.

Waa tallaabo muhiim ah in horumarinta ciidanka aan lagu koobnayn oo keliya tirada iyo awoodda muuqata, balse mudnaan la siiyo aqoonta, tababarka, xirfadaha shaqo iyo agabka ay u baahan yihiin hawl-maalmeedka saraakiisha iyo Ciidanka Booliska Somaliland oo qaranka u haya masuuliyad ballaadhan. Waxa uu door muhiim ah ku leeyahay ka hortagga dembiyada, ilaalinta nabadgelyada, sugidda kala dambaynta, nabadgelyada waddooyinka iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta. Sidaas awgeed, tayaynta ciidanku waa maalgelin toos ah oo lagu samaynayo amniga iyo mustaqbalka bulshada.

Ballanqaadka Madaxweynaha ee ku wajahan kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ciidanka waxa uu tilmaamayaa baahida loo qabo in la helo saraakiil iyo ciidamo si joogto ah u hela tababbarro la jaanqaadaya baahiyaha amni ee soo kordhaya. Ciidanka aqoontiisa iyo xirfaddiisa la horumariyaa waxa uu awood u yeeshaa inuu waajibaadkiisa u guto si nidaamsan, masuuliyad leh, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Sidoo kale, gaadiidka iyo qalabka shaqadu waa laf-dhabarta hawlgalka ciidanka. Marka ciidanku helo gaadiid ku filan iyo agab ku habboon hawlaha loo igmaday, waxa fududaanaya gurmadka degdegga ah, gaadhista goobaha fogfog iyo wax ka qabashada xaaladaha amni ee kala duwan. Taasi waxay sare u qaadaysaa tayada adeegga uu ciidanku bulshada u hayo.

Munaasibadda sannad-guurada 33-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland waxay ahayd fursad lagu xusuusto taariikhda ciidanka, dedaalkii uu soo maray iyo masuuliyadda uu qaranka u hayo. Waxa kale oo ay ahayd madal lagu muujiyey baahida loo qabo in la sii horumariyo awooddiisa, si uu uga jawaabo duruufaha iyo baahiyaha amni ee maanta jira.

Sidaa darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hadalkiisa ku saabsan horumarinta Ciidanka Boolisku waxa uu iftiiminayaa arrin udub-dhexaad u ah dawladnimada: in amniga qaranka lagu sugo hay’ado tayo leh, xirfad leh, bulshadana kalsooni ka haysta. Ugu dambayn, horumarinta Ciidanka Boolisku ma aha masuuliyad ku kooban xukuumadda oo keliya, balse waa dan guud oo u baahan taageerada bulshada iyo wada-shaqaynta hay’adaha qaranka. Hirgelinta qorshayaasha lagu tayaynayo ciidanka waxay qayb ka noqon kartaa adkaynta nabadda, ilaalinta xasilloonida iyo dhismaha Somaliland leh hay’ado amni oo awood u leh gudashada waajibaadkooda qaran.

Dhanka kale warqoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta (shalay) ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 33-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha oo munaasibadda ka jeediyey khudbad leh shucuur iyo dareen hoggaamiyenimo oo isugu jirtay mahad-naq, dhiirrigelin iyo guubaabo, waxa uu Ciidanka Booliska JSL si weyn ugu ammaanay shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka JSL iyo doorka taariikhiga ah ee Ciidanka Boolisku uu ku leeyahay ilaalinta nabadda, amniga, xasilloonida, kala dambaynta iyo ilaalinta nafta iyo hantida bulshada Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Ciidanka Booliska JSL ku bogaadiyey wax-qabadkooda muuqda iyo tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay ku tallaabsadeen xagga tayaynta iyo casriyeynta Ciidanka Booliska JSL.

Munaasabadda 33 guurada Aasaaska Ciidanka Booliska awgeed, Madaxweynaha JSL waxa uu xus, xasuus iyo ducoba u gudbiyey dhammaan halyeeyadii Ciidamada Booliska ee 33 kaas sano, ku geeriyooday gudashada waajibaadka Qaranka. Sidoo kale, waxa uu si gaar ah u xusay Taliyeyaashii iyo Madaxdii muddadaas dheer isaga dambeeyey hoggaaminta Ciidanka Booliska JSL oo mid kastaa hawsha uu qabtay sii xoojisay dhismaha Dawladnimada iyo adkaynta nabadgelyada, waxana uu yidhi:

“Abaal aan duugoobayn ayaynu u haynaa halyeyada dirayska u xidhay u adeegista dalkooda iyo dadkooda.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dulqaadka iyo naf-hurka Ciidanka Boolisku JSL ay ka mid yihiin sababaha hal-adayga iyo kalsoonida u kordhinaya Askariga Booliska ah, isaga oo xusay in aan mar keliya lagu hongoobin, Ciidanka Booliskuna waajibaadkii loo diray ay u guteen sidii ugu qurux iyo xirfadba badnayd, waxana uu yidhi:

“Ciidanka Boolisku waa udub dhexaadka Guusha aynu ka gaadhnay Nabadgelyada iyo Xasilloonida.”

Madaxweynuhu waxa uu xusay in nabadda iyo quruxda Dawladnimo ee ay shacabka Somaliland maanta haystaan ay ku timi iskaashiga iyo isku tashiga Dawladda iyo Shacabka JSL, ilaalinteeduna ay tahay waajib la wada leeyahay, waxana uu yidhi:

“Waxa aan u mahadnaqayaa muwaadiniinta qaybahooda kala duwan, culimada, ganacsatada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ee Ciidanka booliiska ku gacan siinaya gudashada waajibkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in horumarinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL ay tahay

mudnaanaha ugu horreeya ee ay

Xukuumaddu leedahay, gaar ahaan dhinacyada kobcinta aqoonta, tababarrada, qalabka iyo Teknoolajiyadda casriga ah.

Madaxweynuhu waxa uu guud ahaan Ciidanka Booliska JSL kula dardaarmay in ay waajibaadkooda shaqo u gudataan si masuuliyad iyo xilkasnimo leh, iyaga oo dhawraya Dastuurka iyo Sharciga dalka, isla markaana ilaalinaya nolosha, hantida iyo sharafta muwaadiniinta JSL, waxana uu yidhi:

“Muwaadinku waxa uu inaga mudan yahay caddaalad, ilaalin, iyo xushmad, iyo haddii uu dembi galo in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo, iyada oo aan loo eegayn aragtidiisa siyaasadeed, heerkiisa bulsho ama cidda uu ka soo jeedo.”