Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Tartanka Somaliland Club Championship ee sannadka 2025 ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, tartankaasi oo uu soo qaban qaabiyey Taekwondo association, isla markaana ay maalgelisay shirkadda Personal Computer Centre , waxaana tartankaasi ka qayb galay 5 club oo ka kala socday Borama, Wajale, Burco iyo Hargaysa oo ah laba club.
Guddoomiyaha Ururka Somaliland International Taekwondo Association Xamse Xasan Nuur oo hadal ka jeediyay Gababadii tartanka ayaa tilmaamay in tartankaasi ka turjumayo isdhexgalka dhallinyarada reer Somailand, waxaanu yidhi “Waxa aanu qabanay tartan heer naadiyo ah, waxaana soo qabanqaabiyay ururka Somaliland International Taekwondo Association, waxaanan ku faraxsanahay tartanka oo ka turjumaya is dhex galka dhallinyarada iyo ciddii jecel Ciyaaraha Taekwondo. waxaanan qabanaa sabnadkii hal mar. Waxaana ku tartamaya afar naadi oo ka kala socda Boorama, Hargeysa, Burco. waxaanaan abaal marino kala duwan guddoonsiinay xubnihii kaalmaha hore ka galay Tartanka.”
Dhinaca kale waxaa tartanka xidhitaankiisa ka soo qayb galay Cabdilaahi Jaamac Maxamed oo ka tirsan Xidhiidhka Laacdanka lugaha Somaliland oo hadal ka jeediyay halkaas, waxaanu tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in uu ka soo qaybgalo tartankaas, isagoo intaa ku daray in isdhexgalka bulshada iyo horumarka dhallinyarada ay ka qayb qaataan ciyaaruhu, waxaanu u mahad naqay guulaysteyaasha iyo ururka Somaliland International taekwondo association oo soo qaban qaabiyay tartanka iyo personal computer Centre oo tartanka maal geliyay oo uu ku ammaanay sida ay dhallinyarada u dhiirigeliyaan.






















