Duni aan la Saadalin Karin” Yaasiin Daahir Cumar

0
215

Is waafajinta afka iyo adinka ayaa u baahan ka midho dhallinta qiyamka rumeynta waxaad aaminsan tahay. Jahwareer Siyaasadeed oo ka jira Yurubta gaar ahaan wadanka Faransiiska oo ah Hoggaanka Siyaasadeed ee Yurub iyo Hindisayaashii fikirkii midawga Yurub oo mareysa meel aad u cakiran oo aan la saadaalin karin halka ay ku biyo shuban doonto,

Marwalba oo ay dhacdo Jahwareer Siyaasadeed ayaa waxay keenaa kur u kac dhaqaale oo sababta saboolnimo iyo cunsirinimo ku dambeysa kala fogaansho ama kalashaki ummadeed, iyadoo ay u dheer tahay, In xuduudaha Yurub ay calaadi ka bilaabanto waa dagaalka Ruushka iyo Yukreyn u dhaxeeya oo aan laga raneyn meesha uu ku dambeyn doono.

Goor walba oo saboolnimadu afka kala qaado, kuwa sheegta inay difaacaan xaquuqul insaanka oo ahayd ilbaxnimo ay dadyawga kale ugu manosheegtaan oo aad moodo inay ku talaxtageen ama indhaha ka rideen, inay ka dhiidhiyaan waxa ka dhacaya Gazza oo ah falal aad u foolxun oo ka dhan ah insaanimada, iyagoo faraha ka laabtay cambaareynteeda iyo hor istaageeda, oo ay goorwalba ay ku berlaxawsan jireen inay yihiin Dimuqraadiyad kasoo horjeeda falalka waxashnimo ee dunida dacaladiisa ka dhaca, laakiin taasi waxay beenowday markii ay ku daawadeen dilalka iyo xasuuqa aan loo aabo yeelin ee ay rijiimka sahnuuniyada yuhuuda u geysteen ummad dhan oo ciyaal iyo dumar u badan, waana ta keentay in ay dimuqraadiyadii reer galbeedku noqoto fashil iyo fool xumo meel fog gaadha, una sahasha kuwa dhaleeceeya inay marinhabaabin iyo munaafiqnimo ka hayd dimuqraadiyadan oo ay in badan ku awr kacsanayeen, laakiin, ileyn doofaar ma daahiro, haddase dunidii oo dhan waxay arkeen wejigoodii dhabta ah,

dhanka kale, Siyaasadoodii gurucneyd baa keentay in xisbiyada xagjirka xaga hore soo maraan, kuwaasoo kasoo horjeeda ajnabiga iyo fikirkii midawga Yurub, iyagoo u arka dhibaatooyinkooda Dhaqaale inay soogaleetigu sabab u yihiin, ahmiyada iyo fikirka Yurub ayaa ku taagan Dhaqaalaha Jarmalka iyo Siyaasada Faransiiska tasoo aan la dafirikareyn, waxaa layidhaa kolka maduxu bukoodo, jidhka intiisa kale way saameysaa, indheer-garadka reer Galbeedka ayaa cabsi badan ka muujinaya kor u kaca ururada xagjirka iyo kororka Cunsurinimada salka ku haysa Ajnabi naceybka noocyadiisa kala duwan, tasoo khatar ku ah wadanoolaanshihii Shacabka iyo Kala dambeyntii, iyagoo si badheedh leh oo aan ka gabasho lahayn u aflagaadeeya cidwalba oo ka Dhaqan, Jidh ama Diin duwan, iyadoo sababta iska horimaadyo keenta iskudhac Bulsho, ta ugu horeysa ee keenta Naceybka oo ah Dhaqaala darrada soo wejehday, iyagoo u dulyar Dhibaatooyinka Dhaqaale oo ay ilaaween 70 Sanno ee ugu dambeeyay, iyagoo ku noolaa Dhaqaale korayey oo u saameyay inuu heli karo deynta uu u baahanyahay si uu uga midhodhaliyaan Nolol Maalmeedkooda, tasoo hada soo afjarmatay una xambaaraya soogaleetiga Dhibaatooyinkooda Nololeed Dadka ka Diin iyo Dhaqan duwan, si ay jawaab ugu helaan Marxaladaha adag ee la soo dersay iyagoon horey u arag Marxalada la mid ah.

Kolkaan dhanwalba iska taagay waxaa iisoo baxday inay tahay Bilawgii Dhamaaadkii Ilbaxnimadii Reer Galbeedka, Kolkaa maxaa la gudboon cidii ka Dhaqan iyo Diin duwan? Waxaa la gudboon inay xal u helaan inta ay Gabalka ku dhicin oo uu midabtakoorka iyo faquuqa cunsurinimo cirka isku shareerin,

waayo dunidu waa hadhka labadiisa galin oo nin na wuu dhimanayaa, nin na wuu dhalanayaa sida Ilbaxnimada u dhimato ayaa Ilbaxnimo cusubna u dhalataa, sidaa awgeed la socoshada iyo ka war haynta isbedelada dunida ayaa ah Ilbaxnimo gaar u ah indheergaradka Dunida iyagoo ka guura, una guura halka ay ku tuhmayaan nolol cusub oo rejo iyo riyo Salka ku haysa.