Qore: Daahir Cabdi Ciise.
Waxaa marag ma doonto ah in horumarka iyo hagaajinta hay’adaha dawladeed uu salka ku hayo hoggaan hufan oo leh aragti cad. Tusaale nololeed oo arrintaas caddaynaya ayaa ah Wakaaladda Madbacadda Qaranka, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin dhanka maamulka iyo qalabka ah, balse maanta cagta saartay waddadii iftiinka iyo isbeddelka.
Muddo kooban gudaheed, Maareeyaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees), iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Muuse Cali, waxay muujiyeen dardar iyo hoggaan muuqda. Waxaa si dhab ah loo dareemay isbeddel ballaadhan oo saameeyey nidaamka shaqo, iyo tayaynta qalabka wax-soo-saarka. Wakaaladdu waxay horey u ahayd mid ku shaqaynaysay duruufo adag, iyadoo mararka qaar laga baqayay in shaqadeedu istaagto. Hase yeeshee, hoggaan cusub oo leh himilo cad ayaa la wareegay, taasoo horseedday in niyaddii shaqaalaha dib u soo laabato, shaqaduna noqoto mid joogto ah oo kor u kacday.
Maareeyaha guud ayaa bilaabay tallaabooyin ay ka mid tahay mushahar kordhin taabanaysa boqolkiiba boqol (100%) oo loogu sameeyey shaqaalaha nadaafadda. kuwaasoo muddo badan la il-darnaa dulmi dhanka mushaharka ah. Tani waxay ahayd tallaabo astaan u ah garawshiyo iyo garnaqsi dhab ah oo uu hoggaanku la yimid. Sidoo kale, Maareeyaha waxa uu shaaciyay qorshe mushahar kordhin guud loogu samaynayo dhammaan shaqaalaha muddo dheer u soo shaqeynayay wakaaladda, gaar ahaan kuwa u adeegayay toban sano iyo wixii ka badan.
Dhinaca kale, Maareeye Ku-xigeenka wakaaladda, Cabdixakiin Muuse Cali, ayaa isna muujiyay hufnaan iyo xilkasnimo. Waxa uu hormuud ka noqday dhisay guddiga wax-soo-saarka (production management team), kaas oo si joogto ah u qiimeeya wax-soo-saarka guud ee wakaaladda. Tallaabooyin la taaban karo ayaa uu qaaday, sida dayactirka iyo hawlgelinta shan mishiin oo muddo dheer hawl-gab ahaa, kuwaas oo sababay in wax-soo-saarku si weyn kor ugu kaco, isla markaana la daboolo baahiyaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.
Mid ka mid ah guulaha muuqda ayaa ah in mushaharka shaqaalaha hl lagu bixidoono waqtigii loogu talagalay, inta u dhaxaysa 26-ka ilaa 28-ka bil walba. Tani waxay si gaar ah u kobcinaysaa nolosha shaqaalaha, waxayna sare u qaadaysaa kalsoonida ay ku qabaan Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka. Sidoo kale, dalabaadkii daabacaadeed ee wakaaladdu qabatay ayaa kordhay, iyadoo la og yahay in tirada hay’adaha doonaya in ay adeegyo ka helaan Madbacadda Qaranka ay si weyn u soo bateen, taasoo muujinaysa in sumcaddii wakaaladdu dib u soo noqotay.
Maanta, Madbacadda Qaranka waxay istaagtay meel ka duwan halkii ay taagnayd bilooyin uun kahor. Waxay noqotay hay’ad la mahadiyo, leh nidaam shaqo oo casri ah, karti hoggaamineed, iyo kalsooni shaqaale. Waxaa laga dhaxlay isbeddel muuqda oo u dhigma himilada iyo tallaabooyinka lagu hirgelinayo qorshaha isbeddel-doonka ee Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa durba la dareemayaa, waxaana Madbacadda Qaranku noqotay meel tusaale laga dhigan karo.
Horumarka Madbacadda Qaranka wuxuu noqday mid laga baran karo, waana mid ifaya, kaasoo rajo u ah jiilasha maanta iyo berri. Haddii la joogteeyo dadaalka iyo hoggaanka hufan, Madbacaddu waxay noqon doontaa hay’ad heer qaran ah oo ku dayasho mudan.
Daahir Cabdi Ciise






















