Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Ansixinta Siyaasadda Waxbarashada Qaranka ee ay Golaha Wasiirradu oggolaadeen todobaadkii hore, waa tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysa himilo fog iyo bisayl dowladeed, isla markaana kaalin togan ka qaadanaya horumarka aqooneed ee mustaqbalka jiilka cusub. Go’aankan, ka dib dood iyo falanqayn qoto dheer, wuxuu muujinayaa in Somaliland ay ka go’an tahay in ay dhisto nidaam waxbarasho oo tayo leh, la jaan qaada heerarka caalamiga ah, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha mustaqbalka ummadda JSL.
Go’aanka Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ku ansixiyeen Siyaasadda Waxbarashada Qaranka JSL wuxuu astaan u yahay isbeddel lagama-maarmaan ah oo ku wajahan tayaynta waxbarashada dalka, isla markaana wuxuu muujinayaa bisayl siyaasadeed iyo daacadnimo dowladeed oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha shacabka.
Muddo dheer oo ay siyaasaddani hortaallay Golaha Wasiirrada oo si cilmiyaysan uga dooday, waxa laga gaadhay natiijo midho-dhal ah oo ku dhisan qodobada muhiimka ah ee la xidhiidha tayada, helitaanka, iyo waafaqsanaanta nidaamka waxbarasho ee dalka. Waxa xusid mudan si wada-jirka ah ee Golaha Wasiirradu u muujiyeen garasho qaran iyo aragti fog, iyagoo si adag u taageeray baahida loo qabo manhaj casri ah oo la jaan-qaada halbeegyada waxbarasho ee caalamiga ah, gaar ahaan xilligan uu tartanka aqooneed duna meel sare ka marayo, isla markaana ay laga maarmaan tahay in la helo aqoon furan, xirfad ku dhisan, iyo waxbarasho lagu higsado isbedel nololeed.
Doodda uu soo gunaanaday Wasiirka Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf waxay muujinaysaa hoggaan aqooneed oo ku dhisan aragti cilmiyeed iyo istaraatijiyad fog. Sida uu Wasiirku xusay, waxa ka go’an Wasaarad in la hirgeliyo siyaasad waxbarasho oo waafaqsan yoolka horumarinta qaran iyo sugidda mustaqbal aqooneed oo lagu faani karo.
Waxaa si gaar ah loo bogaadin karaa doorka Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo arrinta cod geliyay, taasoo dhiirrigelinaysa hannaan hufan oo daahfuran ah, iyada oo Golaha Wasiirradu si aqlabiyad leh u ansixiyeen siyaasadda, isla markaana aanay jirin cid diiday ama ka aamustay, taas oo muujinaysa in siyaasaddani leedahay taageero ballaadhan oo heer fulineed ah.
Siyaasad waxbarasho oo hufan waa laf-dhabarta horumarka qaran. Ansixintan cusub waxay fure u tahay in la dhiso bulsho aqoon iyo xirfadba ku hubaysan, taas oo kaalin muuqata ka qaadan doonta dhismaha Somaliland barwaaqo ah.



















