Marwadda Koowaad Oo Is-barbar Dhigtay Farqiga u Dhaxeeya Xukuumadda Iyo Mucaaridka

0
663

Hargeysa (Dawan):- Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa gaashaanka ku dhufatay dacaayado ay mucaaridku u soo jeediyaan oo la xidhiidha inay saamayn ku leedahay talladda wadanka, waxaanay sheegtay inaanay jirin haba yaraatee meel ay u soo marto, isla markaana uu dalku leeyahay madaxweyne shacbigu codkooda ku soo doorteen.
Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris  waxay arrintaasi kaga hadashay waraysi dheer oo ay siisay  Weriye Nimco Cumar Maxamed (Nimco Samriye) oo ka tirsan TV-ga madaxa banaan ee Horn  Cable, iyadoo aanu qeybtii horena akhristeyaashayadda ugu soo gudbinay cadadkii Isniintii toddobaadkan.
 
 
Marwada koowaad oo la waydiiyey faraqa u dhexeeya Mucaaradka iyo Muxaafidka, waxaanay ku jawaabtay   “Mucaaradnimadu way fududahay, waayo markaad Mucaarad tahay shaqo ma haysid, laakiin shaqada keliya ee aad haysaa waa in aad dawladda Naqdido.  Marka aad dawladda tahayna masuuliyadda dalka oo dhan ayaa ku saaran, haddii ay Mucaarad tahay iyo haddii ay muxaafid tahayba.  Axmed(siilaanyo)  isagaa u wada  Madaxweyne ah, maalintii uu xilka Daahir Rayaale ka tirsadayna khudbaddiisii u horeysay wuxuu ku yidhi UCID, UDUB iyo KULMIYE kala qaybsanaantii dhexdeenu way dhammaatay oo dhammaantiin anigaa idiin Madaxwayne ah, tii baanu kaga dhabeeyay.
Dawladda Axmed imika waxay dad badani  ku naqdiyaan UDUB baa ku jirta, UCID dad baa ku jira, KULMIYE waa lagaga badan yahay, laakiin Axmed wuxuu ugu jawaabaa way suurtowdaa, laakiin UDUB iyo UCID dalka ayay inala leeyihiin, anigu Madaxweyne ayaan kuligood u wada ahay.  Markaa  Dawladda Axmed iyo Madaxweynenimadiisa laguma xaman  karo markii uu xukunka qabsaday,  dadkii oo dhan muu simin ee KULMIYE oo qudha ayuu ula cararay…”ayay tidhi Aamina Wweris.
 
Sidoo kale mar ay Marwadu ka waramaysay   sida ay   u aragto hadaladda  ay Warbaahinta mariyaan Mucaaradku, ee ay ku dhaliilaan xukuumadda talladda haysa. Waxaanay tidhi  “Mucaaradku inay dawladda dhaliilaan, waxay xumaysay inay tilmaamaan oo ay wax u sheegaan iyo waxay iyagu ku beddelayaan inay sheegaan. waxaasi oo dhami waa masuuliyad, laakiin waxaad arkaysaa qofka mucaaradka ah ee kursiga doonayaa markuu xanooqo wuxuu doono ayuu ku hadlayaa, markaa saxaafadda waxa saaran masuuliyad ah,  waxaa uu ku hadlay (Mucaaradku) waa  in la faaf reebo..
 
Waxayna  intaasi ku dartey iyada oo ka hal-celinaysa su’aal laga waydiiyey doodda Mucaaradka ee ah in KULMIYE uu Mucaaradnimadiisii ka hadallo qaawanaa mucaaradka wakhtigan “Mucaaradka waxaan leeyahay KULMIYE mucaarad ka adag ma jirin, laakiin wuxuu ahaa mucaarad masuul ah.  Mucaarad  aan meelaha qaarkood gaadhi jirin, Mucaaradku waxyaabaha ay imika ku hadlaan waa waxyaabo qarankeena wax yeeli kara. Mucaaradku ma wada xuma.
Laakiin  waxa jirta Mucaarad markaan daawanayo hadalkooda aan idhaahdo waxyaabaha qaarkood tudhaale ayay u baahan yihiin. Waayo KULMIYE Mucaarad adag buu ahaa, laakiin tudhaale ayaanu lahayn, haddii aanaan tudhaale lahayn (Kursiga) kagamaanu tagneen 80 cod oo mugdi ku jiray….”
 
Marwada Madaxwaynaha Somaliland oo la waydiiyey waxay ugu jawaabeyso dadka ku dooda inay xukunka Somaliland door ku leedahay, waxay ku jawaabtay  “Dooddaasi waa dood jaban, Marwadaa talisa waa been oo ma taliyo, waayo dalku Madaxwayne ayuu leeyahay. Laakiin Madaxwayne iyo Marwo is jecel oo nolosha wada qaybsada way isla talinayaan, haddaan ku idhaahdo Madaxwaynaha lama taliyo waa been, waan talinayaa, waana waajibkayga inaan la taliyo oo aan dalkayga u shaqeeyo, wax xunna kulama taliyo.
 
Aniga dadku ima dooran oo Mushahar kama qaato, laakiin Madaxwaynaha ayaan ku taageeraa (shaqadiisa), waxaanan ka shaqeeyaa agoomaha, dadka danyarta ah. Axmed-na maaha nin aniga iyo qof kale toona uu wax khalad ah gelin karo oo wuu ka weyn yahay, wuu ka cilmi badan yahay, wuu ka caqli badan yahay oo wuu ka waayo-aragnimo badan yahay….dalkana in yarbaa u soo martey inta uu Axmed u soo maray, sidaa daraadeed dal uu ciyaar ku burburinayo ama wax ku yeelayo maaha”ayay tidhi Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply