Qalab laga helay Markab Qaadi jiray Addoon

0
468

Qalab laga soo saary markab kuwa lagu qaadi jiray dadkii la adoosan jiray ayaa lagu soo bandhigayaa magaaladda Cape Town ee dalka Koofur Afrika.
Dadka ku xeel dheer cilimiga Arkhaelogy ayaa ku rajo weyn in qalabkan ay aqoon badan ka heli doonaan, isla markaa waxaa uu qalabkani noqonayaa wax lagu xusuusta dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay ganacsigii dadka.
Malyaayiin Afrikaan ah ayaa waxay qayb ka ahaayeen dadkii lagu iibin jiray ganacsigii dadka. Qaar badanna waxay ku dhinteen safaradaasi.
Khabiiradda ayaa waxay sheegayaan biraha laga helay markabka ayaa muujinayaa in uu ahaa mid lagu qaadi jiray dadkii loo waday ganacsiga dadka maadaama aysan dadku u cusleen sida alaabooyinka kale waxaa biraha loo isticmaalayay xagga culeyska Markabka.
Qalabkan ayaa waxaa helay aqoonyahano isugu jira Mareykan iyo koofur Afrikaan oo helay hadhaagii Markab laga lahaa dalka Burtuqiiska oo ku dagay meel u jirta 100 mile xeebaha magaaladda Cape Town sanadkii 1794tii.

Leave a Reply