Sidee Loo Kala Badiyey Tartankii Xulalka Afrika Ee UK, Somaliland Rubuc Dhamaadka Yey La Ciyaaraysaa?

0
423

Kooxdii haysatay koobkii u dambeeyey ee Sierra Leone iyo qaranka Saddexda jeer ku guuleystay tartankan ee Nigeria both ayaa labadoodaba lagu reebay heerka Group yada sanadkan, tartanka African Nations Cup UK.
Xulka markii ugu horeysay ka soo qayb gallay tartankan ee Somaliland ayaa wacdaro ka dhigay oo afar ciyaarood oo ay yeesheen saddex kamid ah dhulka la dhacay xulalkii awooda la bidiyey ee ay wajahday oo ay Nigeria ugu horeysay , hal ciyaar oo kaliya ayaana dhinacooda dhulka la dhigay , sidaas darteed ayay xulka qaranka wadankan Somaliland ugu baxeen kaalinta koobaad ee Group B oo ay ku wehelinayeen xulalka, Nigeria, Kenya, Burundi, Rwanda.
Rubuc dhamaadka ama Quarter Finalka ayaa waxaa isugu soo hadhay hadda 8 wadan oo kala ah- Somaliland, Ghana, Uganda, Ivory Coast, Cameroon, Burundi, Morocco iyo Senegal , kuwaas oo ku kala bixi doona heerka Isreeb reebka tooska ah oo Sabtida inagu soo socota ee 6 da June , lagu ciyaari doono garoomada taxan ee West Ham Memorial Grounds.
Halkan kaga bogo Group-kasta kooxaha ka hadhay iyo kooxaha ka soo baxay:-
Group A: Sierra Leone, Zimbabwe, Ethiopia, Morocco iyo Senegal.
Soo baxay: Morocco iyo Senegal
Hadhay: Zimbabwe, Sierra Leone, Ethiopia,
Group B: Nigeria, Rwanda, Kenya Burundi iyo Somalilnad
Soo baxay: Somaliland iyo Burundi
Hadhay: Nigeria, Rwanda iyo Kenya
Group C: Cameroon, DR Congo, Tanzania, Ivory Coast and Guinea Bissau
Soo baxay: Cameroon iyo Ivory Coast
Hadhay: DR Congo, Tanzania iyo Guinea Bissau
Group D: Uganda, Zanzibar, Zambia, South Africa iyo Ghana.
Soo baxay: Uganda iyo Ghana
Hadhay: Zanzibar, Zambia, South Africa.
 
 

Leave a Reply