Wasiir Xaglo-toosiye Oo Sheegay in Dawladda Turkigu Kaga Baxday Balan-qaadkeedii ahaa in ay Dib-u-dhis Ku Samaynayso Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa

0
287

Hargaysa (Dawan):  Wasiirka caafimaadka  Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ayaa   sheegay in dawladda Turkigu ay kaga baxday ama aanay waxba weli ka haynin balan-qaadkeedii ahaa in ay dib-u-dhsi ku samaynayso cusbitaalka guud ee Hargaysa.isla markaana qaran ahaan ay Somaliland isku tashanayso lana dhiso qaybta gar-gaarka deg-dega ah oo la dhisay 1953.
Waxa kale oo uu sheegay in ay imika hayaan lacag gaadhaysa $150,000 dollar oo la doonayo in lagu bilaabo dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa. Wasiirku waxa uu tilmaamay in safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya  oo Hargaysa booqasho ku yimid sanadkii 2013-kii uu balan qaaday in ay  dib-u-dhis iyo qalabayn ku samayn doonaan cusbitaalka guud ee Hargaysa.
Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay  su’aal uu weriye ka tirsan wargeyska DAWAN ku waydiiyay   munaasibad uu shalay  kula wareegayay deeq lacageed  oo ay bixiyeen shirkadaha Shaafici iyo Dalsan oo ka mid ah shirkadaha soo dejiya daawooyinka, lacagtaasi oo kaga qayb qaadanayaan   bilawga  casriyaynta dhismaha cusbitaalka guud ee Hargaysa.
Waxaanu yidhi  “Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa halkan inoogu yimid sanadkii 2013-kii bishii December. Waxay balan qaadeen in ay dhisayaan  cusbitaalka guud ee Hargaysa. Nasiib darro se  ilaa hadda wax aanu ka haynaa ma jirto. Muddo laba sanadood ah ayaa ka soo wareegtay,  mana jirto wax aanu weli ka haynaa”.
Wasiirka oo la waydiiyay in ay wax xidhiidh ah arrintaasi kala sameeyeen dawladda Turkiga, waxa uu ku jawaabay “Dhawr jeer ayay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland xidhiidh al samaysay, laakiin weli wax natiijo ah kama hayno” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.
 
Cusbitaalka guud ee Hargaysa  oo ay dawladda  Ingiriisku dhistay sanadkii 1953-kii, wixii ka danbeeyay ilaa maanta aan wax weyn oo  wax dib-udhis  ah aan lagu samaynin. Iyadoo xiligaasi dadka ku nool magaaladda Hargaysa iyo hareeraheedu ay  qiyaas ahaan gaadhayeen 50,000 qof, halka ay maanta tiradu gaadhayso milyan iyo dheeraad ruux.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply