Dagaalkii Ugu Gaabnaa Dunida!

0
395

Dagaalka ugu gaaban taariikhda ayaa dhex maray Ingiriiska Iyo Jasiiradda Sinjibaar markay taarikhdu ahayd 27 August sanadkii 1896. Dagaalkan ayaa socday 40 daqiiqo keliya, ka dib markii uu  dhintay boqorkii Suldan Xamdi Binu Saciid oo Ingiriiska taabacsanaa 25/08/1896. Waxa  xukunkii la wareegay wiil uu adeer u yahay oo la odhan jiray Khaalid Binu Barqash , kaasi oo amaradii Ingriiska ka dhega adaygay. Ingiriiska ayaa u diray digniin kama dambaysa ah Khaalid Barqash, si uu uga dego xukunka, laakiin wuu diiday. Boqorka cusub ayaa samaystay ciidan gaadhaya  2500 oo nin. Ingriiska ayaa markaasi usoo diray maraakiib dagaal oo kala ahaa mid weyn iyo laba yaryar oo ay saaraayeen 150 badmaax iyo 900 askari.
Subaxnimadii 27 August ee sanadkaasi saacaduu markay ahayd 09:02 ayaa Maraakiibta Ingiriisku garaacid ku bilaabeen qasrigii Boqortooyada.  Ciidankii Sinsibaar ee raacsanaa Ingiriiska ayaa iyana bilaabay inay u dhaqaaqaan dhinaca qasriga. Waxaana garaacu ku dhacay calankii ka dul babanayay qasriga. Isla wakhtigaasi ayaa lagu dhawaaqay inuu dagaalkii dhamaaday saacadduna waxay ahayd  ahayd 09:40 daqiiqo.

Leave a Reply