Qiso “ Way Na Xaqireen, Aniguna Waan Yasay Dhaqankooda” Boqorka

0
363

 
Qiso “ Way Na Xaqireen, Aniguna Waan Yasay Dhaqankooda” Boqorka
Sanadkii 1919 ayuu booqasho ku tegay London boqorkii Hindiya Jai Seing , isagoo dhex maraya Suuqyada London oo dhar caadi ah xidhan, ayuu si kedis ula kulmay Macrad lagu iibiyo baabuurta. Ninkii madaxa iibka ahaa ayuu weydiiyay noocayada baabuurta ugu danbeeyay iyo qiimahooda.   Ninkan ayaa u qaatay inuu yahay Hindi faqiir ah oo wakhtiga ka luminaya waxaan uu ka eryay Macradka.  Boqorka ayaa ku laabtay Huteelkiisa, ka dibna huteelka ayuu kala xidhiidhay si macradka qaabilaad ugu sameeyaan. Markii u tegayay wuxu sii xidhay dharkiisii quruxda badnaa waxaana uu ka codsaday inay ka iibiyaan 10 gaadhi oo nooca qaaliga ah ee ugu danbeeyay oo Rolls-Royce ah, ka dibna dalkiisa ayuu rartay.
Markii uu dalkiisa geeyay ayuu go’aansaday in gaadiidkan ku guro xashiishka iyo bulaacadah  magaalada si uu  xaqiro Macradka u haysta inay yihiin gaadiidka ugu danbeeyay. Warbaahinta ayaa arinka ka war heshay oo  si weyn u qaada dhigatay ilaa ay noqdeen gawaadhida ugu caansan ee xashiishka qaada taasi oo keentay in qiimahooda hoos u dhaco shirkaduna khasaaro ku gasho. Shirkada ayaa cudur daar  weyn siisay boqorka waxayna gadhow u siisay 7  gaadhi oo kale iyagoo ka codsaday inuu ka daayo xashiishka.

Leave a Reply