Wasiir Ka Hadlay Wiil Dhalinyarro Ah Oo u Geeriyooday Xabad Askari Kaga Qaraxday

0
274

Boorame (Dawan)- Alle ha u naxariistee waxaa shalay   Magaalada Boorama aas qaran loogu sameeyay laba askari oo  ku geeriyooday weerar ay koox dabley ahi habeen hore ku qaadeen Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax)
Labada askari ee ku shahiiday dagaalka kooxda dablayda ahi ay ku soo qaadeen guriga Guuddoomiye Ramaax, waxa aaskoodii ka qeyb galay  Wasiirro, xildhibaanno, Madaxda Gobolka iyo kuwa degmada, Salaadiin, culimo  iyo dadweyne aad u tiro badan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo ka mid ahaa masuuliyiinta aaskaas ka qeyb-galay, ayaa sheegay in labadaas askari ay dileen dad cadow ku ah qaranimadda Somaliland, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii iyo ciidammada Booliska iyo qaranka oo ay ka kala tirsanaayeen-na samir iyo iimaan ka siiyo.
 
Wasiirku waxa uu  intaa raaciyay in  guud ahaan magaalada Boorama waxgaradkeeda iyo dadweynaheeduba ay ka xumaadeen falkaa dhacay isla markaana ay bulshadda gobolku meel uga soo wada jeedo in dambiilayaashaas sharciga la mariyo.
Dhinaca kale Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha iyo dalxiiska ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday wiil dhalinyarro ah oo shalay markii Ciyaartii lagu ciyaarayay Boorame  ee garoonka laga dareeray ay ku dhacday xabad askari  ka qaraxday.
Mr. Yuusuf Cismaan Garas waxa  uu shacbiga reer Boorame ku bogaadiyay siday ula shaqeynayaan ciidammadda ammaanka, waxaanu ku booriyay inay kaalin ka qaataan sidii gacan adag loogaga hor tagi lahaa cid kasta oo nabad-gelyadda iyo dawladnimadda Somaliland wax u dhimaysa.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply