Dalka Bortiqiiska saddex qof oo laba booliiska ka mid ahaayeen ayaa dhintay ka dib markii ay isku deyeyeen inay dhex galaan muran dhex maray laba qof oo jaar ahaa. Ninka dilka geystay ayaa jaarkiisa kaga cawday inay ka joojiyaan cida Eygooda haddii kale oo dil geysan doono. Ninkan oo 77 jir ah ayaa rasaas ku furay jaarkiisa isagoo uu ahaa mid dareen kacsan. Waxaan halkaasi ku dhintay laba booliiska gurmadka ah io wiil uu dhalay booliiska oo isku deyey inuu aabihii u kaalmeeyo markii ay rasaastu ku dhacday. Odayga dilka geystay ayaa isku deyay inuu isaga laftiisu nafta iska jaro laakiin booliiska ayaa qabtay ka hor intii aanu is dilin isla markana jeelka ku xidhay.