“Buurro La Galo Dawladda Laguma Xumaynayee, Waxay Bar-madow ku Noqonaysaa Dalkeenna” Guddoomiyaha UCID

0
326

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  cambaareeyay jid-goyntii ay   todobaadkii hore  koox dabley ahi  ka sameeyeen jidka u dhexeeya magaalooyinka  Hargaysa iyo Berbera, iyo  inta u dhaxaysa Sheekh iyo Berbera. Taasi oo  ku tilmaamay wax aad u fool-xun oo dhaawacaya qaranimadda Somaliland.
 
Eng. Faysal waxa uu sheegay   in tallaabadaasi ay  u muuqato  mid  sawir xun ka bixinaysa jiritaanka qaranimadda   jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in    dadkii ku kacay  falkaasi ay yihiin kuwo dalka ka galay    jariimad weyn.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo  shalay warbaahinta kula hadlay qolka nasashadda ee madaarka diyaaradaha Hargaysa. isagoo ka soo laabtay safar uu muddo todobad ah   ugu maqnaa dalalka  imaaraadka carabta iyo  Jabuuti.
 
Waxaanu    sheegay in uu magaaladda Dubai kaga qayb galay  carwo ganacsi  oo ay qabtay    rugta ganacsiga ee dalka Jarmalka. Waxaanu   yidhi “Sabtidii todobaadkii hore ayaan dalka ka baxay, waxaan sii maray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan uga sii gudbay  dawlad goboleedka Dubai  ee Imaaraadka carabta, halkaasi oo laga furayay  Carwo ganacsi oo ay furayeen niman Jarmalka u dhashay oo aanu saaxiibo nahay.  Waxaanu halkaasi carwadda iska helnay  weftigan imika ila socda, oo ka  tirsan  rugta ganacsiga ee dalka Jarmalka, wasaaradda  khaarejiga Somaliland ayaana soo  casuuntay.  Waxaanay   u yimaadeen   oo ay qaban-qaabinayaan  sidii  carwo ganacsi  dalka Jarmalka loogu qaban lahaa  sanadka soo socda,  (Germany Somaliland Business Form)”.
 
Waxa  kale oo uu ka waramay guddoomiyaha xisbiga UCID   socdaalkiisa oo uu  ku soo maray dalka Jabuuti isagoo   kulan la yeeshay madaxweyne  Ismaaciil cumar Geelle. “Waxaan tagay dalka Jabuuti oo aan joogay  laba  maalmood,  halkaasi oo aan kula kulmay  madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar  Geele, madaxweyne Geele si fiican ayaanu u wadahadalnay.
 
Waxaananu ka wadahadalnay arrimaha Jabuuti,  Somaliland, Soomaaliya   iyo doorashooyinka saddexda wadanba ku soo fool leh ayaanu ka wada hadalnay,  arrimaha geeska Afrika-na waanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Faysal.
 
 
 
Dhinaca kale Eng. Faysal  waxa uu  canbaareeyay   shaqaaqooyinkii  todobaadkan ka dhacday gobolka Saaxil. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Intii aan dalka maqnaa  arrimo yar yar ayaa dhacay, waxaa dhacday  arrintii wadadda la is-taagay.   Arrintaasi  aad iyo aad ayay u fool-xun tahay,  way jirtaa tabashooyin badan oo laga tabanayo dawladda, laakiin ma haboonna in aynu sawir xun tusno dadka.
Buurro la gala   fool-xumadeedda  ayay leedahay,  dawladda lagu xumayn maayo, ee waxay xumaan  iyo bar-madaw ku noqonaysaa  dalkeenna.  in  dad  gaar ahi  ay is-urursadaan  oo  ay wadooyinka  jaraan,  jariimad weyn ayay taasi tahay,  waana wax aad iyo aad u fool-xun, waa shaqooyinkii 1991-kii ee aynu  ka weynaaney.
By: Khadar Cabdi Muuse
 Dawannews Hargeysa office.

Leave a Reply