Kuuriya: Dawada Dadka Nolosha Nacay

0
362

Dawo cusub ayay dawladda Koonfurta Kuuriya u diyaarisay dadka dalkeeda ee raba inay is dilaan, kuwaasi oo ka cabanaya werwerka noloshu ku hayso.  Dawladda ayaa samaysay sanduuqa loox ah oo loo bixiyay “Waayo aragnimada geerida.”
Dalka Kuuriyada Koonfureed ayuu kor u kacay dadka nafta iskood  iskaga goynaya kuwaasi oo gaadhay in maalin kasta ay noqdaan 40 qof.  Sanduuqan ayuu qofka doonaya inuu is dilo isku dhex ridayaa si looga caawiyo arrimaha mushkilada ku ah.
Khubarrada caafimaadka ayaa sheegay in dadka ay ugu wacan tahay isdilka xaaladda dalka ka jirta taasi oo wer-werku ku badan yahay dadka.  Sanaaduuqdan ayaa loogu tallo-galay in lagu ururiyo dhibaatooyinka uu qofku rabay inuu isku dilo si xal looga gaadho.
Waxaana ka soo qayb galay qaybaha bulshada sida Ardayda ka cabanaysa cadaadiska dugsiyada iyo waxabarashada, waalidiin nolosha ku cidlooday oo keligood nool iyo qoysas ay haysato dhibaato dhaqaalle.
 
Sanaaduuqdan oo loo yaqaana Waayo aragnimada dhimashada ayay u yimaadaan dad badan oo madluun iyo werwer haysto. Kuwaasi oo dawladu marka ay  xaqiijiso arrimahooda ay xal u raadinayso werwerka haysta.

Leave a Reply