Waxay ku Noqotay Yaab Markii Ay Koomada Ka Soo baxday!

0
310

Sida lagu daabacay wargeyska Dailymail gabadh u dhalatay Ingiriiska oo lagu magacaabo Colvin Juilin oo muddo saddex bilood ah ku jirtay koomo ayay yaab ku noqotay markii ay aragtay ilma yar oo ay dhashay mudadii ay koomada ku jirtay. Gabadhan oo 28 jir ah ayaa markii ay ku jirtay todobaadkii 23  iyadoo guriga ka shaqaynaysa ay si lama filaan ah madax wareer aad u xoog badani ku dhacay  ka dibna koomo ayay gashay. Ninkeeda ayaa markiiba u qaaday Isbitaalka laakiin markii baadhis lagu sameeyay ayay dhakhaatiirtu cadeeyeen inay u baahan tahay qaliino dhinaca maskaxda ah.
Dhakhaatiirt ayaa sheegay inuu jiro xanuun maskaxda ah, sidaas darteedna haddii aan qalitaanka lagu samayn ay dhici karto in maskaxda dhiig ku furmo. Gabadha intaasi ka dib lagu sameeyay qaliinka iyadoo ku jirta koomadii , laakiin mudadii ay koomada ku jirtay ayay  gaadhay wakhtigii uu dhalan lahaa ilmaha ay uurka ku siday. Dhakhaatiirta ayaa hawshaasi galay iyadoo weli ku  jirta koomadii. Inkasta oo ay koomada ka soo baxday haddana dhakhaatiirta ayaa sheegay in 10% ay tahay fursadda ah noloshii caadiga ahayd ugu soo noqoto, waxayna sheegeen inay wakhtigan ku neefsato qalabka neefsiga ee sanaaciga ahi.
 

Leave a Reply