Cirro Oo Ku Af-gobaadsaday Inuu Soo Dhaweynayo Musharaxnimada Cabdisalaan Yaasiin Ee Xisbiga Waddani

0
307

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sida uu u arko musharaxnimada jagada madaxweynaha xisbiga Waddani ee uu dhawaan ku dhawaaqay Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasta oo tartan la gasha.

Guddoomiye Cirro  sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex qarxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ugu baaqay inay khilaafkooda ku dhammaystaan shuruucdooda iyo xeerarka xisbigooga u yaalla.

 “Xisbiga WADDANI waa xisbi dimuquraadi ah, dhammaan wax kasta oo xeerarka xisbiga iyo dastuurka jamhuuriiyadda Somaliland muwaadin kasta oo xisbiga ka mid ah xaq u siiyaan dee xaq buu u leeyahay. Annaga siyaasadayadu waxa weeye in ay doorashadu timaado wakhtiga la qabanayo shirka xisbiga. Markaa aniguna ma jecli in aan suuqa iska sii sharaxo, muraxashnimadayduna waxa ay iman doontaa marka la qabto shirka qof kastaana xaq buu u leeyahay in uu sidaa sameeyo,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  Cirro wax kale oo uu ka haday khilaafka cakiran ee u dhaxeeya  Guddoomiyaha UCID iyo murrashax Jamaal Cali Xuseen,

  “Annagu waxaanu jecel nahay dee axsaabta qaranka in hawlahooda gaarka ah iyo sida ay isu dooranayaan aanaan faro-gelin, laakiin waxaan jecelahay uun khilaafka xisbiyada qaranka ku yimaada in ay uga baxaan si waafaqsan xeeararkooda iyo si walaaltinimo ah kula baxaan ayaan u soo jeedinayaa,” ayuu yidhi  Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo  shalay waramayay Telefiishanka Star Tv.

Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta ay isku jufadda yihiin Guddoomiye Cirro, ayaa Khamiistii todobaadkan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynenimo ee xisbiga Waddani, islamarkaana u tartami doono jagadaasi, balse Cirro wuxuu ku dooday inuu soo dhaweynayo cid kasta oo la tartamaysa.

By: Axmed M.Saleebaan 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply