Markiiย maclinka dhowr ardayย weydiiyay mid kasta shaqada uu aabihi qabto, ee si fudud oo dhakhso ah uga wada jawabeen, ayuu soo gaadhay inuu weydiiyo ardayย daโdiisu yar tahay suโaasha.
Ardayga yar ayay murugo ka muuqatay aamusna kaga jawaabay. Ka dibna maclinka ayaa suโaasha ku celiyay isagoo kor u dhawaaqay oo yidhi :โ Waar noo sheeg aabaha wuxu ka sheqeeyo isagoo cadho ka muuqato?โ . Ardayga ayaa istaagay isagoo niyad jabsan Waxaana uu yidhi :โ Aabahay wuxu jiifaa Xabaashiisaโ.ย ย Dareenka ardayga yarย wuu is bedelay markii kuwii ka horeeyay dhamaantood sheegeen in aabayaashood meelo kala duwan ka sheqeeyan. Marar badan ayaynu dareenka kuwa inala nool meel kaga dhacaynaa, oo niyad jab ku sii abuuraynaa.ย Haddii suโaal aamus lagugu jawaabo , waa inay taasi kugu filaato.























