Dawlad Kamida Afrika Oo Maroodiga U Diyaarinaysa Baadhitaanada Miinada Iyo Habab Sirdoonnimo

0
253

Mid kamida dawladaha qaaradda Afrika ku yaala ayaa markii ugu horeysay keentay hab cusub oo ay sheegtay inay kaga faa’idaysanayso xayawaanaadka dalkeeda ku nool,gaar ahaana xayawaanka Maroodiga loo yaqaano.
dawlada dalkaasi Angola ayaa bilawday inay maroodiyo u tabobarto baadhitaanada miinada ku aasan dalkaasi meelo badan oo kamid ah ,baadhitaanada waxyaalaha qarxa ee dalkaasi laga soo sheego iyo sidoo kalena habab sirdoon.
maroodiyadan ayaa loo dhigay waxyaalo caagag ah oo lagu shubay waxyaalaha laga sameeyo maadooyinka Qarxa,kuwaas oo la doonaayo inuu lasii qabsado ,hadhowna kasoo saari karo waxyaalahasi walaxda qarxaysa.
waxaana kooxdii tabobaraysay ku guulaysatay tabobarkii kowaad oo ay siiyeen maroodi kamid ah maroodiyada loogu talo galay inay baadhitaanadan sameeyaan,isaga oo uu maroodigani soo saaray markiiba caagii ay ku jirtay walaxda qarxaysaa.
wadankaasi Angola ayaa lagu sheegay inay ku jiraan miinooyin tiro badan oo la aasay waqtigii colaaduhu ka jireen wadankaasi,kuwaas oo dad badan naftooda galaafta,waxaanay ciidamada kala duwan ee wadankaasi bilaabeen raad raaca walxahaasi si ay uga guraan dhulka ay ku aasan yihiin.
intii la adeegsanaayey xayawaankan Maroodiga ayay ciidamada wadanku sheegeen inay si fudud u heleen waxyaalo badan oo miinooyin ah ,kuwaas oo ay kasoo saareen meelo kala duwan oo wadankaasi kamid ah.
 
 

Leave a Reply