Markii Uu Qaniinay Wuxuu Isku Deyay Inuu Hadana Badbaadiyo

0
325

Nin cabqariya oo Caqli badan (Wiseman) oo fadhiyay webiga dhiniciisa isagoo quruxdiisa daawanaya,  ayaa arkay Dabaqalooc biyaha ku qarqoomay.
Markii uu gacantiisa kaga soo saar is yidhi wuu qaniinay oo dib ula soo booday ganactiisa. Wax yar ka dib markii uu xanuunkii ka bay ayuu haddana mar labaad isku deyay inuu ka soo qabto, laakiin wuu qaniinay oo isagoo qaylinaya kala soo booday.
Ilbidhiqsi kid ayuu isku deyay inuu mar sadexaad badbaadiyo. Laakiin nin agtiisa fadhiyay ayaa ku qayliyay oo ku yidhi “Ninkaagan xakiimka ahi waad isku dayday inaad badbaadiso bahalka oo mar kasta wuu ku qaniinayaa iska dhaaf  markan sadexaad?
Laakiin ninkii caqliga badnaa ayaa ugu jawaabay isagoo gacantiisa ku sii wada biyaha “ Dhaqanka daba qaloocu waa inuu wax qaniino anigana (Aadamiga)  dhaqankaygu waa in aan mar kasta wax badbaadiyo, markaa maxaad iigu diidaysaa in dhaqankaygu ka xoog weynaado kiisa. Markan wuu ku guulaystay inuu biyaha ka soo saaro isagoo nool oo badbaadiyo. Sidaas ayaa guusha ku lagu gaadha iyadoo loo adkaysto xanuunka waxa kasta hor imanaya.

Leave a Reply