Ninka u dhashay Falastiin oo lagu magacaabo Cabdi Abu Cajmiya oo 77 sano jiray ayaa bishan Decemeber isu diiwaan geliyay waxbarashada dugsiga sare ee danta galbeed ee Falastiin. Odaygan oo ah aabaha 4 rag iyo 3 hablood ayay tacliintu ka go’aday sanadkii 1953, iyadoo ay sabab u ahayd in aan tuuladiisa lahayn dugsi sare ka dib markii uu dhameeyay tacliintii daugisyada hoose.
Waxaana uu sheegay in 62 ka dib uu fursadaasi ku guulaystay isagoo sheegay inuu doonayo inuu dhakhso uga qalin jebiyo oo ku galo Jaamacadda.