Madaxweynaha Somaliland Oo Balan-qaaday In Xukuumadiisu Wax Ka Qaban Doonto Baahiyo Ay Bahda Garsoorka Somaliland Ka Dalbadeen

0
313

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xukuumadiisu wax ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee Hay’adaha garsoorku sheegteen. Waxaanu bahda cadaaladda ku bogaadiyay dedaalka ay wadaan ee lagu taabo-gelinayo garsoorka dalka. Madaxweynuhu waxa uu sidasi ku sheegay mar uu shalay kormeer kadis ah ku tagay  Maxkamadaha Sare, Maxkamadaha Maroodi-jeex, degmadda Hargeysa, Xeer Ilaalinta guud iyo xarunta wasaarada cadaaladda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay komeerkiisa uu ku tagay Hay’adaha garsoorka, waxaanu daboolka ka qaaday in xukuumadiisu wax ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee Garsoorku sheegteen, waxaanu yidhi  “Aad baan runtii idiinku mahadinayaa si wacan baan u dhagaystay baahiyihiina iyo hawsha aad qaranka u haysaan, waan idinku bogaadinayaa aad baanan idinku mahad naqayaa hawsha aad qaranka u haysaan ee fiican ee qiimaha iyo qaayahaba leh.
Aniga Farxad weyn bay ii tahay inaan halkan bahda cadaalada kusoo booqanno  oo aanu ka dhegaysano xog-waran buuxa.  aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad qaranka u haysaan.
Ninbaa wuxuu yidhi “rag cadaalad waayey sidii cawsha kala yaacye.” cadaaladdu waa muhiim,  waa hawsha qaranku ku socdo ummaddu ku socoto dadkuna ku fadhiyo ILAAHAY  waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto dadka iyo qaranka hawsha aad u haysaana waan idiinka mahad celinaynaa hawsha aad bulshadda u haysaan. hawsha halkii ka sii wada, baahiyaha aad sheegateen iyo wixii nalooga baahan yahay dhinacayagana waajib iyo xil nasaaran weeyi inaanu waajibkayaga ka gudano.”
 
Guddoomiyaha Maxkamda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa madaxweynaha Somaliland warbixin ka siisay hawlaha shaqo ee ay wadaan, waxaanu yidhi “Madaxweyne,waxaa sharaf noo ah inaad annagoo ah bahdii Cadaaladda oo midaysan waayo sidaad aragto waxaanu halkan ku fadhinaa Wasiirkii cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud iyo maxkamadii sare, inaad maanta soo booqato bahdii cadaaalada iyo garsoorka oo ay tahay markii ugu horaysay ee Madaxweyne kursiga ku fadhiyaa uu kormeer shaqo ama lugtiisa ku soo marayo garsoorka iyo cadaaladda guud ahaan. Markaa taasina waxay  inna tusaysaa niyad wanaaga iyo wax la qabashada cadaalada.
Markaa taa aad baan madaxweyne kaaga mahad naqaynaa, waxay na tusaysaa sidaad  barbar taagan tahay dib u habaynta cadaalada ee socota iyo tallaabooyinkii aynu qaadnay haddii ay Maxkamda sare tahay, haddii ay maxkamadaha hoose tahay iyo haddii ay guddiga cadaalada tahay-ba. markaa taa xoog baan kuugu soo dhawaynaynaa kaagana mahad naqaynaa meeshana kolay adiga laguu sheegi maayo oo meel kugu cusub maaha.”
 
Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu sheegay inay wadaan qorshe dib u habayn ah oo mug leh, waxaanu yidhi   “Dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa annagoo bahdayadii oo dhan ah. waxaa ugu dambeeyey  bishii November ee la soo dhaafay waxaanu  booqanay gobollada  galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay Maxkamadihii, Xabsiyadii iyo meel kasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof kasta  maxbuus ah  oo xidhan waanu is dul taagnay,  waxaanu waydiinay sababtuu u xidhan yahay si layaable bay noogu soo dhaweeyeen, waxaanu aragnay shaqo fiican oo xaga cadaalada ah haddii ay tahay Booliiska haddii ay tahay Asluubta iyo haddii ay tahay garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo wasaarada cadaalada iyaduna qeybtii fulintii iyo maamulkii  ka tirsan.”
 
“Markaa imikana waxaa noo qorshaysan toddobaadkan dhammaadkiisa,  waxaanu  u baxaynaa gobollada bari si aan iyagana u soo kormeerno.   markaa (Reform)-ku dhinacyo badan buu leeyahay oo  midi waa dib u habayntii (Institutions) middina  waxaa weeyaan adeegii cadaalada oo la balaadhiyo oo dadweynaha la gaadhsiiyo.  Middan  waxaa weeye in la xoojiyo inay cadaaladu isla xisaabtamaan oo qofka shaqadiisa lagu daba-galo oo inuu dadka u shaqaynayo la ogaado oo uu adeeguu dadka u hayo dadkii dhibanaa ee masaakiinta ahaa inay gaadhay iyo in kale la ogaado,”ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu ku kabay  “Dib u habayntaas baanu  xooga saaaraynaa, adigana garab istaaga aad na garab taagan tahay runtii waan kaaga mahad naqaynaa meeshuna waa (Sector) muddo dheer la iloobay,  muddo dheer aan dhaqaale badan la gelin.”
 
 
 
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Faarax Cadare oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in kormeerka madaxweynuhu ku tago ha’yadaha cadalaadda ay ka turjumayso sida uu ugu heelan yahay in wax laga qabto hagaajinta garsoorka, waxaanu yidhi  “Mudane Madaxweyne, ku soo dhawoow bahda cadaalada oo dhar-dhaaradeedii  halkan ku dhan yihiin sharaf gaara bay noo tahay inaad nasoo booqatay taariikhduna way ku xusi doontaa. waa markii ugu horaysay ee ay suurto gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo waxay ka turjumaysaa markii ugu horaysay ee aad xilka qabatay waxa ugu horeeyey ee aad bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa maanta noo ah sharaf inaad goob-joog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso.”
“Waxa kale oo  noo suurto-galay saddexda dhardhaar ee cadaaladda hogaaminayaa inaanu israacnay. taariikhda hore umay dhicin, runtii waxaanu iska dhignay  Arrimaha shakhsiyada ee noo yaalay danta qaranka in loo midoobaa iyadoo ha’yad kastaa shaqadeeda u madax banaan tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaalladdu.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa ka sheekeeyay horumarkii xafiiska xeer ilaalintu ku tallaabsaday shantii sannadood ee la soo dhaafay waxaanu yidhi   “Mudane Madaxweyne,  mudadii anigu shanta sanno ahayd ee halkan aan joogay, waxaan ugu imid markii hore xafiiskan xeer ilaalinta oo aad u kooban oo ay joogaan sagaal ku xigeen iyo xeer ilaaliye guud, maanta waxaa jooga afartan ku xigeen  iyo xeer ilaaliye guud oo gudida cadaaladdu ansixisay oo ka shaqeeya gobollada iyo meel walba oo xafiiska xeer ilaalintu ka dhisan yahay, ilaa labaatan dacwad ooge baa ku jira, gabdhaha  aanu qaadanay waa hawl aad u balaadhan oo garsoorkana aad loogu  ammaanay, UN-kuna  aad innoogu amaaneen qaran ahaan.  Meel walbana shirarka caalamiga ah   aad looga muujiyo, inay jiraan gabdho soo galay garsoorka gaar ahaan xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka. 12   gabdhood ayaa  jooga, 12  xubnood oo  ku xegeenno ah  iyo shan dacwad ooge.”
 
“Shaqaalaha maanta jooga xafiiska xeer ilaalinta guud waa illaa 65 qof, hay’adaha maal-geliya  ee wax nala qabta runtii waa Hay’adaha UNDP,UNODC iyo HORISAN. Hay’ado badan baa nala shaqeeya. Tabobaradda ay na siiyaan waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisadda, budhcad badeedka iyo ka hor-tagista fal-dambiyeedyadda abaabulan. Waxa kale oo ka mid ah tabobarada aanu ka helno tacayada loo geysto haweenka iyo kufsiga,”ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranku, waxaanu intaas ku ladhay “Dadkii tabo-baradaasi ka soo baxay waxay ka shaqeeyaan xafiiska xeer ilaalinta guud. waxaan filayaa in saaxiibkay Gudoomiyaha maxkamada sare  ay qorshihiisa ku jirto inay isla jaan-qadaan xeer ilaalintii iyo garsoorayaashii oo tababaro aad u fiican imikana iyagana  loo bilaabay, tababaradaasi faraha badan waxa ay ku qaateen Addis-Ababa, Dubia, Tansania iyo  Jabuuti.”
 
“Madaxweyne waxaanu aad kaaga mahad celinaynaa mushaharada imika loo kordhiyey garsoorkii oo sannadka 2016-ka bilaabmaysa oo ah xaga gunada, maxakamadaha iyo xafiiska xeer ilaalintab. Aad baanu kaaga mahad naqaynaa, laakiinse wali waxaa qabyo ah dhismayaasha, ha noqoto gobollada oo maxkamadaha iyo xafiiska xeer ilaalinta, madaxweyne waxa mudadii aan joogay hay’ada UNDP waxay nala dhistay Burco,Boorame iyo Hargaysa, saddexdaba waxa ay ka dhistay xafiiskaygan  oo kale,  qalabkana waxa loogu qalabeeyay sida xafiiskayga oo kale.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply