“Jidka Ceerigaabo Wasiirka Hawlaha Guud Waxa Uu Balan-qaaday Inuu Sannad Ku Dhamaynayo”

0
306

Hargeysa (Dawan)- Maxamuud Cali Maxamad (Baadiye) oo ka mid ah aqoonyahanka   soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa ugu baaqay bulshadda ku dhaqan magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, in ay u sare kacaan dhammaystirka dhismmaha jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Maxamuud Cali Maxamad (Baadiye)  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska DAWAN.waxa kale oo uu soo dhaweeyay isla markaana uu taageeray hadal uu dhawaan jeediyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland oo socdaal shaqo ku soo maray Gobollada Bari ee dalka.
 
“Halkan waxaan dhawaaq dheer ku gaadhsiinaya dadweynaha ku nool magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag inay u kacaan wadada Ceerigaabo gudo iyo dibadba, iyada oo wadadii meel wanaagsan marayso oo la dar-dar geliyay oo uu Wasiirka cusub Mudane Cali Mareexaan oo maalintii dhawayd tegay uu war farxad leh ka keenay, oo yidhi sannad gudihii  ayaanu ku dhammaystiraynaa inta hadhay. Waddadu imika waxay maraysaa oo daamurku soo gaadhay illaa Yufle, caratuulkuna, waxaa uu marayaa oo uu soo dhaafay Fadhigaab, wadadana intii badnayd saddex meeloodow laba meelood waa ay dhammaatay oo waa ay samaysan tahay,”ayuu yidhi Maxamuud Cali Maxamed.
Waxa kale oo uu intaa ku daray “Jidka dhismihiisa meel baa hadhay, meeshaasina waxaa ay u baahan tahay in afka laga taageero, gacanta laga taageero.  qalbiga lagala jiro,  oo dadku xaga wanaaga ay isku dhirii-geliyaan, wixii ay ku balan-qaadeen ee xoolihii noolaa iyo lacagtiiba ay bixiyaan. sababtoo ah wax badan bay qabanaysaa inta reer Ceerigaabo ama inta gobolka Sanaag, balan-qaadka ay sameeyeen ee aan wali laga hayn, waxay noqonaysaa wax weyn oo wax badan noo qabata, markaa innaga oo waddadii la innoo samaynayo in aynu ka seexanno maaha.”
 
Maxamuud Cali  waxaa uu reer Ceerigaabo ugu baaqay inay soo dhaweeyaan wasiir cusub mudane Cali Marreexaan, oo sheegay inuu sanNad gudihii ku dhamaystiraayo jidka waxaanu yidhi “Haddii aanu reer Ceerigaabo nahay gudo iyo dibad waxaan gaadhsiinayaa wadadeennii meel wanaagsan ayay maraysaa wadadii waxaa la wareegay Wasiir cusub, waxaanan jecelahay in Wasiirka cusub la soo dhaweeyo oo wax lala qabto, Mudane Cali Marreexaan, oo yidhi sannad ayaan ku dhammaynayaa.”
“Awal waddadu si wanaagsan ayay u socotay laakiin sannad waxooga ayaa yara gaabis galay, gaabiskaasi imika waa uu ka baxayaa, wasiirkaasina Illaahay khayr haka siiyo ee waa uu dadaalayay, kan imika qabsadayna waa uu sii dedaali doonaa. Balan-qaad buuxana wuu sameeyay. “Wasiirka hawlaha guud daraasad badan ayuu jidkan ka soo sameeyay. Daamurkii galayayna wuu yaallaa dhammaan.waxa kaliya oo la tabiyaa waa kaalintii reer Sanaag ka qaadan lahaayeen jidkan,”ayuu yidhi Maxamuud Cali.
 
.
 
 
Maxamuud  oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray “Mar baa jirtay wadaduba aanay samaysnayn oo la odhan jiray waddo ayaaa naloo samaynayaa oo ay qosli jireen dadku, marbaa jirtay la bilaabay oo ay odhan jireen iska hadloow ina Igirre, maanta waa ay arkaan oo waxaa ay gashadaan, waa wax uga soo noqonaya oo if iyo aakhiraba, ay ka helayaan, oo waad ogtahay ninka wadada qori ka qaada ama qashin ka qaada ajar buu ka helayaa, ka wax weyn ku darsadanaa waa uu ka sii wanaagsan yahay-ba, waxaaba laga yaabaa dad badan oo wadada wax ku darsaday ama adduun ha noqoto amase hadal wanaagsan oo ay yidhaahan ha noqotee, inay janada ku galaan baa ba suurtogal ah, ifkana inaynu manaafacaadsanno.”
“Hadda waataa aynu munaafacaadsanayno oo ilaa Gar-adag waxaa  loo soconaya saacad iyo badh kaliya, Ceel-Afweyna shan saacadood ayaa loo soo socon jiray, markaa dhawaaq dheer waxaan ku ogaysiinaya, gudo iyo dibadba in wadada laga qeyb qaato,oo dawladana lagu taageero wax-qabadkeeda, loona mahad-naqo, oo lays barbar taago,” ayuu yidhi Maxamuud Cail Baadiye.
Mr. Baadiye waxa uu sheegay in Soomaaliya ay wadaan qorshe ay doonayaan inay carqalad ku geliyaan dawladnimadda Somaliland, waxaanu yidhi   “Beryahan dambe waxaa soo baxayay dhawaaqyo ka imanaya Soomaaliya  oo ay is leeyihiin ku carqaladeeya qaranimada Somaliland, marar ayaan maqlayay iyagoo leh shirar baa lagu qabanayaa deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, laakiin warkaa waxba kama jiraan nin gurigiisii gubanayo oo tashan kari waayay Somaliland waxba ma yeeli karo,”
Waxa kale oo uu baaq u diray axsaabta mucaaridka ah, waxaanu yidhi  “Somaliland waxaad mooda asxaabta mucaaridka ah, xukuumadda iyo shacabku inaanay is-raacsanayn markaa waxaan leeyahay waar isku duubnaashiyo muujiya, oo midnimo qaran muujiya, oo meel uga soo wada jeesta siyaasadda dibada iyo ta gudahaba,oo xukuumadda ha la taageero, oo wixii toosina lama diidanee ha la toosiyo. Laakiin aynu joojinayo yooyootanka TV-yadda ay la soo fadhiisanayaan siyaasiyiinta mucaaridku.”
 
 
Mr. Baadiye waxaa uu la hadlay masuuliyiinta goleyaasha qaranka ku jira ee ka soo jeeda deegaanka gobolka Sanaag oo uu ku dhiiriyay in ay gobolka wax u qabtaan.   “Markaa xildhibaanadda ka soo jeeda gobolka Sanaag iyo siyaasiyiintiisaba waxaan u soo jeedinayaa inay dib ugu noqdaan gobolkii laga soo doortay oo wax u qabtaan buslhadooda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply