Buuraha Barafka Ah Dushooda Ayay Shimbiraha Ku Quudiyaan!

0
379

Muuqaalka sawirku waa caado fog oo ay leeyihiin dadka Turkigu taasi oo ay ilaa wakhtigan ku dhaqmaan. Dhaqankan ayaa ah inay dadku buuraha koraan wakhtiga jiilaalka ee barafku dhacayo  oo ay ku daadiyaan qamadi badan , si ay shimbiruhu u cunaan oo aanay ugu dhiman gaajo, ka dib markay duuli kari waayaan barafka awgeed.
Sida taariikhdu sheegtay qofkii ugu horeeyay ee dhaqankan naxariista leh shimbiraha u horseeday wuxu ahaa Khaliifkii Muslimiinta ee Cumar Binu C/casiis, kaasi oo yidhi halkudhigan : “ Ku daadiya buuraha dushooda qamadida ilaa ay gaajo ugu dhiman waayaan shimbiruhu dhulka Muslimiinta”.

Leave a Reply