Dowladda Jabuuti oo ku Biirtay Dalalka Xidhiidhka U Jaray Iiran

0
439

Dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kadib weerarkii dhowaan dad cadheysan ay ku qaadeen safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tehran.
Go’aankan oo lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay VOA.
Jabuuti ayaa waxaa xidhiidh aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa Saudi Arabia.
Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xidhiidhka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xidhiidhka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.
 
 

Leave a Reply