‘Garan mayno Meel Ay tegeen dadkii Halkan Degenaa!

0
393

Sanadkii 2001-kii koox ka socotay qaramada midoobay ayaa tagay magaalo lagu magacaabo Somoto oo ku taalla dalka Kongo si ay u gaadhsiiyaan kaalmo raashin iyo  caafimaad ah oo ay u sideen. Magaaladu waxay ahayd  mid  caadi ah oo la mid ah magaalooyinka kale ee waqooyiga Kongo waxaana ka jiray gaajo , fakhri iyo xanuunu.
Kooxdan ka socotay qaramada midoobay markii ay gaadheen kamay helin qofna dadkii magaalada ku noolaa, iyagoo gaadhay  subaxnimo hore bishii Feberweri.
Guryuhu waxay ahaayeen kuwo aanay ka muuqan wax dhibaato ah, xooluhuna waxay joogeen guryaha hareerahooda, haddana may helin wax raada oo dadkii ku noolaa magaalada ah.
Qayb ka mid kooxda ayaa u qaatay in kooxdii mucaaridka ahayd ay laayeen dadkii magaalada oo dhan, haddana guryaha dhexdooda kumay arag qof keliya oo mayd ah oo dhex jiifa. Magaalo kale oo u dhow ayay tegeen waxayna weydiiyeen bulshadii ku noolayd Soomoto, laakiin dadkii tuuladaasi wax war ah kamay  hayn dadkii degenaa Tuuladan.
Tuuladan caruurteedii, iyo dadkeedii waaweynaaba dib looma arag, ilaa maanta waa arrin aan cidina garanayn sida ay wax u dheceen iyo halka ay ku danbeeyeen oo u diiwaan gashan Qaramada Midoobay.

Leave a Reply