“Waxa Loo Baahan Yahay Wixii Garsoorka Ku Saabsani In Ay Ka Madax bannaanaadaan” Wasiirka Caddaalada

0
270

Hargeysa(DAWAN):-Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Jamhuuriyadda  Somaliland Axmed Faarax Cadarre,  ayaa soo jeediyay in kiisaska fal-dambiyeedka ah ee ay ciddi gasho in loo daayo caddaalada iyo xeerarka dalka oo lagu dhammeeyo isla markaana laga daayo xeer dhaqameedka lagu xalinayo kiis ciqaabeedyada uu kufsigu ka midka yahay ee xalka sharciga lagala ordayo oo uu tilmaamay in uu caqabad ku yahay fulinta sharciga iyo garsoorka dalka.
 
Wasiir Cadarre oo  ka hadlayay shalay kulan uga furmay bahda Garsoorka dalka magaalalada Hargeysa waxaa kale oo uu sheegay in wax kasta laga hor mariyo ku dhqanka sharcigu in ay tahay dawladnimada laakiin aan loo baahnayn in cid dambi gadhay in xeer dhaqan  lagu xaliyo kuna badbaado.
 
Wasiirka Caddaalada  oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi“Waxyaabaha carqalada ku noqday in la fuliyo xeerarka dalka waxa ka mid ah dhaqanka kufsiga oo kale,  qof dambiyo galay ayaa dhaqan ahaan lagu difaacaa waxa fiican wixii caddaalada ku saabsan in ay ka Madax bannaanaadaan cid walba,waayo fal dambigu kaligii ayuu ku kooban yahay qofka, waxaana muhiim ah in la waafajiyo sharciga iyo xeeerarka  wixii dambiya ee dhaca,markaa waxa loo baahan yahay in wax yaabaha ka hor imanaya dhaqankeena iyo xaqii qofku lahaa lagu dulmiyayo ee lagu cadaadinayo in la falanqeeyo oo laga saaro  gal daloolooyinka ayaa loo baahanyahay’’ayuu yidhi Wasiir Cadarre.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray  “Ra’yiga ayuun baa lagu kala duwan yahay waxaana inoo saldhiga ah mar walba Shareecadda Islaamka oo aynu ku dhaqano. Xeerarkan kale ee aynu ku dhaqano ee kala ah ka Madaniga ah iyo dhaqanka sidii la isku waafajin lahaa, isla markaana wixii galdaloolooyin ah ee ku jirana looga saari lahaa ayuu kulankani ku saabsan yahay.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Axmed Faarax Cadarre.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply