Boqor Ilmo Kasta Dheg Ka Jaray Oo Dhaqan Bulsheed Isku Bedalay

0
351

Boqorka oo muddo dheer sugayay inuu mar uun caruur  u dhalato ayay gabadhiisii umushay wiil. Boqorka iyo  Wasiirradiisuba aad ayay u farxeen iyadoo hambalyadu is weydaaranaysay. laakiin waxa nasiib darro noqotay in wiilka u dhashay uu labada dhegood midkood go’anayd. Boqorka oo aad uga xumaaday ayaa isugu yeedhay Wasiirradiisa.
Waxaana uu weydiiyay waxay tahay in la sameeyo mar haddii inankii dhashay ay dhegi ka go’an tahay oo hadhow lagu caayayo? Wasiirradiisa mid ka mid ayaa soo jeediyay talladan: “Waa arrin fudud Boqor, waxaynu samayn doonaa sebenkan maanta ilma kasta oo dhasha waxaynu  ka jari doonaa dheg, si ay isu shabahaan kuwa ay isku da’ada yihiin.”  Sidaasi ayaa la isku raacay ilaa caado ay noqotay in qof kasta oo dhasha dheg la jaro, mararka qaarkood kana aan dhegta boqortooyadu jarin loo arko inay wax ka maqan yihiin.  Markii toban sanno ka soo wareegtay oo da’adaasi wada dheg go’an tahay ayuu magaalada yimi wiil labada dhegoodba leh. Way la yaabeen caruurtii waxayna ugu yeedheen laba dhegoodle. Wiilkaasi yar ayaa aad u necebsatay magacaasi oo isna markii dambe dheg iska jaray. Waad fahantay qisada, wax kastaa waa cadaada, waa bulsho wada naafo, fikirka khaldani wuxuu  lumiyaa wixii saxda ahaa.

Leave a Reply