Boqor Ilmo Kasta Dheg Ka Jaray Oo Dhaqan Bulsheed Isku Bedalay

0
515

Boqorka oo muddo dheer sugayay inuu mar uun caruurย  u dhalato ayay gabadhiisii umushay wiil. Boqorka iyoย  Wasiirradiisuba aad ayay u farxeen iyadoo hambalyadu is weydaaranaysay. laakiin waxa nasiib darro noqotay in wiilka u dhashay uu labada dhegood midkood goโ€™anayd. Boqorka oo aad uga xumaaday ayaa isugu yeedhay Wasiirradiisa.
Waxaana uu weydiiyay waxay tahay in la sameeyo mar haddii inankii dhashay ay dhegi ka goโ€™an tahay oo hadhow lagu caayayo? Wasiirradiisa mid ka mid ayaa soo jeediyay talladan: โ€œWaa arrin fudud Boqor, waxaynu samayn doonaa sebenkan maanta ilma kasta oo dhasha waxaynuย  ka jari doonaa dheg, si ay isu shabahaan kuwa ay isku daโ€™ada yihiin.โ€ย  Sidaasi ayaa la isku raacay ilaa caado ay noqotay in qof kasta oo dhasha dheg la jaro, mararka qaarkood kana aan dhegta boqortooyadu jarin loo arko inay wax ka maqan yihiin.ย  Markii toban sanno ka soo wareegtay oo daโ€™adaasi wada dheg goโ€™an tahay ayuu magaalada yimi wiil labada dhegoodba leh. Way la yaabeen caruurtii waxayna ugu yeedheen laba dhegoodle. Wiilkaasi yar ayaa aad u necebsatay magacaasi oo isna markii dambe dheg iska jaray. Waad fahantay qisada, wax kastaa waa cadaada, waa bulsho wada naafo, fikirka khaldani wuxuuย  lumiyaa wixii saxda ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here