Shirka Nabadeynta Siiriya

0
290

Wafdiga matalaya dawladda madaxweyne Asad ayaa wada hadalo kula leh Geneva ergeyga gaarka ah qaramada midoobay ee Siiriya.waxay ka dhigan tahay bilowga wax ay QM rajeyneyso wada xaajoodka lagu soo af jari doono collaada Siiriya.
Hase ahaatee wali waxaa jirta hubaal la’aan ah in kooxaha waweyn ee mucaradka ay ka qayb galayaan wada hadalada.waxay dalbanayaan in marka hore la joojiyo duqeynta goobaha rayidka.
Wada hadala nabadda Siiriya waxay ka dhasheen dadaal xoog leh oo diblomasi oo muddo u dhexeeyey dhinacyada ay khuseyso collaada Siiriya ee gudaha dalka ku dagaalamaya iyo shisheeyaha kala taageeraya dhinacyada Siiriya,waxaana iminka uu sheegayaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Siiriya Steffan de Mistura in waxas oo dadaal ah oo la soo maray aan la oggolaan doonin wada hadaladu in ay burburaan.

Leave a Reply